Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya jugta qarax aad u xoogan in laga maqlay Degmada Wadajir, gaar ahaan Suuqa meel aanan ka fogeyn Suuqa weyn ee Degmadaasi.
Qaraxan oo si weyn looga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho iyo beelaha ka baxsan, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka dhacay nawaaxiga Xarunta Degmada Wadajir.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay nawaaxiga Xarunta degmada Wadajir oo ku dhow Suuq weyn.
Xarunta Degmada Wadajir waxa ay ku taalla Dhabarka dambe ee Suuqa weyn, sidaasina uma kala fogo.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu qaraxaan ahaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa, waxayna dad goobjoogayaal ah sheegayaan inuu jiro Khasaaro aad u weyn oo soo gaaray dadkii Suuqa ku ganacsanayey oo u badnaa kuwa Khudaarey ah maadaama Xarunta iyo Suuqa ay aad isugu dhow yihiin.
Gabar ku sugneyd Suuqa ayaa Caasimadda Online u sheegtay inay aragtay dhaawac badan oo ka dhashahay Qaraxaan, iyadoo sheegtay inay arkeysay haweyn badan oo halkaas dhaawacyo kasoo gaareyn kuwaas oo suuqa Khudaar ku gadayey.
Gawaarida Ambalaaska ayaa ku qul qulaya goobta, si ay u soo qaadaan dadka ku waxyeeloobay qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

