26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Maxaa kasoo baxay Kulankii ku simaha madaxweynaha Galmudug iyo Safiirka Turkiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan Saacado qaatay ayaa magaalada Muqdisho ku dhexmaray kusimaha madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Kulanka oo socday saacado ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ku aadan maalgashi Turkiga uu ku sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha deegaanada Galmudug, taasi oo horseedi doonto horumar Galmudug ay gaarto.

Olgan Bekar safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay inay garab taagan yihiin guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Galmudug, sida uu sheegay.

Safiirka ayaa sheegay inay taageeri doonaan maamulka Galmudug iyaga oo ka caawinaya goobaha ay dalbadeen in dowladda Turkiga ay maalgashi ku sameyso, sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News