Sawirro: Diyaarad ku dul dhacday goobo ganacsi oo ku yaalla Portugal

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaani oo aheyd nooca yaryar ayaa ku duldhacday goob ganacsi oo ku yaalla Caasimadda dalka Portuqal ee Lisbon.

Shilka Diyaaradaani ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 5 ruux oo la sheegay inay ku sugnaayen goobta ay ku duldhacday diyaarada, waxaana halkaasi ka kacay dab xoogan.

Diyaaradaani ayaa ka diiwaan gashneyd dalka Swiss, waxaana la sheegay inay u soo dhacday cilad soo foodsaartay inta ay ku jirtay hawada.

Diyaaradaani ayaa sidoo kale ku duldhacday Gaari Tareel oo rar ku dejiyey Dukaanka Lidi Supermarket, kaasi oo taagnaa goobta gaadiidka la dhigto.

Waxaa sidoo kale shilka diyaarada ku geeriyooday kabtankii waday diyaarada oo kasoo jeeda dalka Swiss iyo laba kale oo kamid ahaa rakaabka diyaarada oo iyaguna kasoo jeeday dalka France.

Diyaarada ayaa kasoo duushay Garoon ku yaalla Cascias, waxayna ku sii jeeday magaalladda Marseilles ee dalka Faransiiska.