Wasaarada A/Gudaha DF oo wada qorsho lidi ku ah maamulada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, ayaa wada qorshooyin cusub oo ka duwan kuwii ay daadihin jirtay Wasaaradii isaga ka horeysay.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu wado qorsho maamul Goboleedyada dalka lagu hooskeenayo Wasaarada, isla markaana magacaabida xilalka Wasiirada iyo Xubnaha kale ay soo mari doonaan Wasaarada.

Wasiir Juxa ayaa la sheegay in hirgalinta qorshahaasi uu kala tashanaayo Madaxda ugu sareysa dalka iyo Hogaamiyayaasha Gobolada.

Wasiir Juxa ayaa shirar guud iyo mid gaarba u qaban doona Hogaamiyayaasha Gobolada dalka si ay uga wada hadlaan in wixii ka hooseeya Xilka Hogaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa ay magacaabi doonto DFS.

Juxa ayaa ku taamaya in dib loo soo celsho sharciyada Wasaarada Arrimaha Gudaha, waxaana jira warar sheegaya in magacaabidaasi ay lahaan doonto DFS, balse soo jeedintu ay noqon doonto mid ka imaada dhanka Hogaamiyayaasha.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa in badan ka hadaf duwan kuwii hore, waxaana la saadaalinayaa in wax badan uu isbedeli doono haddii uu hirgalo qorshahaani.

Si dhab ah looma oga xiliga uu dhaqan gali doono qorshaha Wasiir Juxa, inkastoo uu kala kulmi doono caqabado badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com