Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Aljeeriya ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay Qasriga Almuradiya, halkaas oo uu ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tabbuun.
Munaasabadda soo dhoweynta ah ayaa lagu maamuusay calammada labada dal, iyadoo cutubyo ka tirsan Ciidamada dalkaas ay salaan sharaf siiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo intaas kaddib kulan gaar ah la qaatay Dhiggiisa Mudane Cabdulmajiid Altabbuun.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale wadajir u guddoomiyey wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb galeen xubnaha labada dal oo ku qotomay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.
Sidoo kale, Madaxweynah ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Cabdulmajiid Tabbuun iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in booqashadani ay astaan u tahay kobaca xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Dhankiisa, Madaxweynaha dalka Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku xaqiijinayso xasillinta iyo dib u dhiska Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Aljeeriya uga go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga iyo xiriirka kala dhexeeya walaalahooda Soomaaliya.
Xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale maalmo kahor u booqday dalka Masar, halkaas oo uu kula soo kulmay dhiggiisa Cabdifitaax Al-siisi oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal iyo arrimo quseeya gobolka.
Dhaq-dhaqaaqyadaan diblomaasiyadeed ayaa muujinayo in Xasan Sheekh uu isku wado qaar kamid ah dalalka carabta ee ku kala aragtida duwan siyaasadda iyo sida ay wax uga socdaan geeska Afrika iyo caalamka.


