Jowhar (Caasimada Online) – Golaha wasiirada dowlad goboleedka HirShabelle ayaa xalay kulan deg-deg ah ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu guddoomiyay madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirrada lagu saaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo sidii looga ciribtiri lahaa guud ahaan deegaanada HirShabelle.
Ugu horreyn golaha ayaa warbixin guud ka dhageystay wasaaradda amniga oo faah-faahin dheeri ah ka bixisay xaaladda amni ee guud ahaan HirShabelle, waxana ay tilmaamtay in howlgalladii ugu dambeeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah.
Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in dagaalka ay ku biireen ciidamada Daraawiishta HirShabelle, qeybna ay ka ahaayeen howgalka ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka.
Sidoo kale waxaa shirka inta uu socday lagu gorfeeyay isbeddelka cimilada iyo abaaraha ka jira deegaanada qaar ee HirShabelle ee saameynta ku yeelatay dadka iyo duunyada.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha guddaha HirShabelle ayaa la wadaagtay golaha wasiirrada qaabka ay u dhacday doorrashada golaha Deegaanka ee degmada Mahadaay iyo sida ay haatan ugu howlan yihiin doorashada golaha deegaanka ee degmada Balcad.
Waxaa kale oo shirka lagu ansixiyey degmo-nimada Biyo-cadde oo ay soo gudbisay isla wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladdaha Hoose.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo soo xiray kulanka deg-degga ahaa ayaa shacabka ugu baaqay inay is-caawiyaan bisha barakeysan ee Ramadaan.