Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo shaqooyinka horyaalla golaha.
Inta badan badan xubnaha golaha wasiirada ayaa soo xaadiray shirkan oo lagu meel-mariyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah.
Golaha Wasiirada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.
Labadan hindise sharciyeed ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxayna muhiimad gaar ah u leeyihiin xujeyda iyo sidoo kale daryeelka guud ahaan bukaannada Soomaaliyeed.
Sidoo kale shirka golaha wasiirada ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee golaha wasiirrada, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay ra’iisul wasaaraha.
Waxaa sidoo kale golaha wasiirada ay ka hadleen ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaga oo bogaadiyay guulaha ay gaareeb ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.
“Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed laga soo saaray kulan golaha.
Wasiirada Soomaaliya ayaa qayb ka ah dagaalka, waxaana qaarkood ay ku sugan yihiin furinta hore, ayaga oo wax ka hoggaaminayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Si kastaba, waxaa dagaalkan iska kaashanay dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, waxaana furaha u haya madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan magaalda Dhuusamareeb.