Maxaa kasoo baxay shirkii Saciid Deni iyo KARAASH?

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar oo u dhexeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni & ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaas oo ay xalay yeesheen labada mas’uul.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ugu horreyn labada nin waxay isaga xog wareysteen xaaladaha Puntland iyo dardar-gelinta howlaha maamulka, kadib soo laabashada Deni.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in Deni iyo Karaash ay isku soo hadal qaadeen khilaafkii dhexdooda ahaa kaas oo meesha lagu dhammeystiray, kadib markii ay horey xal hordhaca gaareen labada dhinac kadib dadaal ay sameeyeen ismimada Puntland.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale waxa ay isku raaceen in la dardar-geliyo hawlaha maamulka Puntland oo uu gaabis xoogan ku yimid, kadib khilaafkii soo kordhay.

Deni iyio Karaash ayaa khilaafkooda wuxuu ka bilowday arrimaha Dastuurka, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka uu shaaciyey inuu la wareegay awooda maamulka, ka gadaal markii uu Deni isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo looga guuleystay.

Heshiiskooda waxaa durbo soo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada degaanada Puntland oo ugu baaqay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay wada shaqeeyaan.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan wajaheyso xaalado is biirsaday oo ka dhashay is qab-qabisiga siyaasadeed ee hogaanka maamulka iyo kuwa kale oo la xiriira bani’aadanimada.