Maxaa kasoo baxay wada-hadalladii Deni iyo Diyaano?

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya inay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen wada-hadalladii u dhexeeyey madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo agaasimihii hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, kuwaas oo kulan foolka fool ah la’isugu keenay.

Wadahadalladan oo shalay soo billowday, soona socday llaa xalay ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Isimada Puntland oo ku guuleystay inay kulansiiyaan labada dhinac oo horey ugu dagaalamay magaalada Boosaaso.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhow kulankaas Deni ayaa dalbaday in marka hore uu Diyaano aqbalo go’aankii maamulka iyo xilka qaadistii lagu sameeyey, kadibna laga wada-hadalo khilaafka taagan iyo tabashada jirta.

Dhankiisa agaasimaha xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa ku gacan-seeray dalabka Saciid Deni, wuxuuna soo jeediyey in marka hore la dhaqan-geliyo qodobadii ay soo saareen Isimada Puntland.

Horay Isimada ayaa ku taliyey in Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Agaasimaha PSF, kadibna la heshiisiiyo isaga iyo Madaxweynaha, taas oo uu ka biyo diiday Deni.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan lagu ballamay in wada-hadalladu ay sii socdaan, isla-markaana la’isku soo noqdo markale, si loo sii wado dadaallada soconaya.

Si kastaba, labada dhinac ayaan wax wadahadal iyo tanaasul ah sameyn tan iyo markii uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni xilka ka qaaday taliyihii ciidamada PSF Jeneraal Maxamuud Diyaano.