Maxaa kasoo kordhay arrinta Mukhtaar Roobow? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya macluumaadka laga helayo xaaladda Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo ku dhow afar sano ku xiran Muqdisho, waxaana haatan billowday dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan ehelladiisa.

Guddi ka socda ehelka Abuu Mansuur ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, waxayna kala hadleen sii deyntiisa.

Ehellada ayaa sidoo kale guddoomiyaha u gudbiyey cabasho ay ka qabaan sii xirnaanshaha Roobow oo ay tilmaameen in markii hore xarigiisa loo maray hab sharciga baalmarsan.

Sheekh Aadan Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu qayb-ka noqon doono dadaallada socda, isla-markaana uu tixgelin doono codsiga ehellada ee ah in xoriyadiisa dib loo siiyo, Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo horey uga tirsanaa Al-Shabaab.

Roobow ayaa markii ugu horreysay loo ogolaaday inay soo booqdaan xubno ka tirsan qoyskiisa iyo asxaabtiisii siyaasadda, waxayna arrintaas kusoo beegantay, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhacday 15-kii bishii hore ee May.

Sida aan xog ku helnay NISA ayaa cadaadiskii saaraa ka qafiifisay Sheekh Mukhtaar, kadibmarkii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa loo ogolaaday Taleefoon iyo in ehelladiisu ay soo booqan karaan.

Xasan Sheekh ayaa horay u ballan qaaday in xabsiga uu ka soo deynayo Sheekh Mukhtaar oo arrimo siyaasadeed ugu xiraa nimaadkii Farmaajo.

Dhamaadkii 2018-kii ayaa Mukhtaar Roobow laga soo xiray magaalada Baydhaba, xilligaas wuxuu ahaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.