Xog: Wasiirada cusub oo loo yeeray – Maxaa ka socda xafiiska R/Wasaare Xamza?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaa hadda ka socda dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyey ee ku aadan magacaabista xubnaha golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo shalay uu ku yimid dib u dhac.

Wararka ayaa sheegaya in maanta duhurka, kadib ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu shaacin doono liiska golihiisa wasiirada oo ay ku qaadatay muddo ku dhow 40 cisho.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxaa goordhow xafiiska ra’iisul wasaaraha looga yeeray wasiirada magacaaban ee la filayo in lagu dhowaaqo liiskooda, si ay goobjoog u noqdaan munaasabadda magacaabistooda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xal laga gaaray kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka oo dhaliyey in shalay dib loo dhigo magacaabista golaha wasiirada cusub, kadib markii lagu qoray Xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo ay dood ka keeneen reer waqooyiga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online arrintaan ayaa hadda xal laga gaaray, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in la’isku afgartay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka loo magacaabo wasiirkii hore ee dastuurka xukuumadda Soomaaliya, Senator Saalax Axmed Jaamac.

Tirada wasiirada la filayo in lagu dhowaaqo ayaa ah 25 Wasiir, halka xukuumaddii hore aheyd 26 Wasiir, ayadoo la baabi’iyey wasaaraddii gargaarka, halka wasaaradda dastuurka oo horey gooni u taagneyd lagu daray wasaaradda cadaaladda, waxaa sidoo kale golaha lagu soo kordhiyey wasaarad cusub oo ah wasaaradda bay’ada iyo isbedelka cimilada.

Xogta aan heleyno waxay sidoo kale intaas ku daraysaa in xukuumadda la soo dhisayo ay ku jiri doonaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin, Axmed Macalin Fiqi, Xasan Macalin, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Dr. Cilmi, Biixi Iimaan Cige, Maxamuud Beena-Beene, Faarax Sheekh Cabduqaadir, Abshir Bukhaari, Cali Balcad, Ilyaas Cali Xasan, Khadiijo Maxamed Diiriye, Daa’uud Aweys iyo xubno kale.

Sheekada xasaasiga ah ee ilaa hadda aan saldhigan waa in wararkuay  sheegayaan in Mukhtaar Roobow oo dowladda u xiran ay macquul tahay in loo magacaabo wasiirka diinta, awqaafta iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, waxaana u ololeynaya xildhibaano ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.