Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sumcad la’aan iyo ceeb uga soo hoyatay soo dhaweyntii maanta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabddullahi Farmaajo loogu sameeyey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha waxaa garoonka kusoo dhaweeyey hogaamiyaha aqbaliyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Arrimaha dibadda Amina Maxamed iyo mas’uuliyiiin ka tirsan dowladda Kenya, midaaas oo lagu tilmaamay inay tahay mid aan waafaqsaneyn shuruucda caalamka Maadaama la rabay madaxweynaha inuu soo dhaweeyo qof ku heer ah, iyadoo la filayey inuu Madaxweyne Uhuru Garoonka kusoo dhaweyn doono.
Midaas ma dhicin Madaxweynaha Kenya wuxuu muujiyey siyaasad xumada uu ka damacsan yahay dowladda Soomaaliya oo uu hoggaamiye Farmaajo, waxayna dadka falanqeeyo Siyaasadda ku tilmaameyn inay so dhaweynta noocaan camal ah ay ceyb iyo fadeexo ku noqon doonto Uhuru Kenyatta.
Midda aadka u wanaagsaneyd ayaa aheyd inuu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyo maadaama qofka soo dagayo uu yahay qof ay isku heer yihiin oo ah Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Uhuru ayaa la sheegay inuusan si fiican ugu qanacsaneyn Maxamed Cabdullahi Farmaajo maadaama uu u arko inuu yahay shaqsi uusan ka heli karin danaha dowladda Kenya.
Colaadaan iyo Siyaasad khalafsanaantaan ayuu Uhuru soo bilaabay tan iyo markii uu Farmaajo dalka kasoo noqday Ra’isulwasaare markaas oo uu ku amray Hey’adaha caalamiga ah inay si deg deg ah uga soo guuraan Magaalada Nairobi isla markaasna ay ku shaqeeyaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si umadda Soomaaliyeed ay shaqo iyo Faa’ido uga helaan xafiisyadaas.
Waxaa waajib ku noqon doonto Uhuru inuu arrintaan raali gelin ka bixiyo haddii kale waxaa looma dhaqmi doono sida uu isaga sameeyey marka uu booqasho ku imaado Magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]