Maxay Farmaajo iyo Uhuru uga hadleen kullankoodii koowaad?

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib markii uu casuumaad labada maalin ah ka helay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweyn kadib kullan khaas ah la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxa ayna kawada hadleen xiriirka labada dal, Amniga, Abaaraha iyo Dhaqaalaha.

Uhuru Kenyatta ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u sheegay in Dowladiisa ay taageersan tahay is bedelka Siyaasadeed ee ka curtay Somalia waxa uuna tilmaamay inay la garab taagan yihiin ka qeybqaadashada Amniga, Xasiloonida iyo Abaaraha ka jira Somalia.

Uhuru Kenyatta waxa uu Farmaajo u sheegay inaanu jirin wax caqabad ah oo Dowladiisa ay u aragto isbedelka waxa uuna cadeeyay inay aad ugu faraxsan yihiin Siyaasada cusub ee ka hirgashay Somalia.

Kenyatta waxa uu sheegay inay laba jibaarayaan xiriirka kala dhexeeya Somalia, waxa uuna Farmaajo u sheegay inuu ku rajo weyn yahay in mar kale uu isu soo taago doorashada Kenya ee lagu dooran doono maamul cusub.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay Kenya ku dooneyso inay uga qeybqaadato nabadeynta Somalia, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inuu ka xoojin doono xiriirka.

Farmaajo ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay ka doonayaan inay wanaajiso la dhaqanka Dowlada iyo Soomaaliduba waxa uuna faramuuqay inay jiraan qodobo u baahan in laga wadahadlo balse ay si gaara u falanqeyn doonaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa casuumaada kadib maalinta Sabtida ah ka qeybqaadan doona Shir gaara oo Madaxda IGAD ay ku yeelan doonaan magaalada Nairobi kaa oo looga hadli doono xaalada Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya.

Ma cadda qodobada siga gaarka ah ay diirada u saari doonaan labada Mas’uul ee kala hogaamisa Somalia iyo Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com