28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Maxaa ku hoos jira dhaqaaqa Puntland ee Badda Cas?

By Bashiir Sheekh Maxamed Malin
Bookmark
Bookmarked

Share

Maamul Goboleedka Puntland ee Bariga Soomaaliya, ee la dhisay 1998-kii ka dib burburkii Dowladdii Kacaanka Soomaaliya, ayaa siyaasiyiinta maamulkaasi ku faanaan in Puntland tahay hooyada Federaalka Soomaaliya. Hadda waxaa jira khilaaf soo noqnoqda oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo ku dhow 20 sano, iyadoo xilka madaxweynaha Soomaaliya ay isku bedeleen ilaa 4 madaxweyne.

Iyadoo ay jiraan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo DFS oo soo jiitamayay muddo dheer, ilaa laga soo gaaro dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, khilaafaadkaas oo u badan fasiraadda nidaamka federaalka iyo qodobo dastuuriga ah oo la xiriira awoodaha maamulada federaalka xubinta ka ah iyo kuwa dowladda dhexe, kuwaasi oo ah wax dabiici ah isla markaana aan kicin dareen cadownimo ama mid qaran lid ku ah. Balse khilaafka labada dhinac ayaa yeeshay waji cusub oo u muuqda mid cunaqabateyn dhanka badda ah oo Puntland ay kula dagaallameyso Dowladda Federaalka, ka dib markii Puntland ay Badda Cas kasoo qabatay markab sida hub casri ah oo ku socday Dowladda Federaalka Soomaaliya kuna sii jeeday Dekedda Muqdisho.

Haddaba, si loo fahmo sababaha khilaafka, waxaan u baahanahay inaan dib ugu noqono sanadkii 2022, xilligii doorashada. Bishii May, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu xulafo la ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh si loo jabiyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khilaaf soo jiitamayay dhowr sano uu kala dhaxeeyay Saciid Deni, taasi oo ugu dambeyn hirgalay ka dib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleystay madaxtinimada isagoo garab weyn oo siyaasadeed iyo mid maaliyadeed ka helay Madaxweynaha Puntland, oo ujeedkiisu ahaa inuu xilka Ra’iisal Wasaaraha u keensado qof isaga soo xusho. Balse Madaxweyne Xasan Sheekh oo ogaa in Dowladda Federaalka ay la kulmeyso culeys siyaasadeed oo uga yimaada labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland, ayaa u weecday dhanka Jubbaland inuu xilka Ra’iisal Wasaaraha ku qanciyo, isagoo magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ah saaxiibkiisa siyaasadeed kana tirsanaa xisbigiisii UPD. Halkaas ayuuna ka bilowday khilaafka labada hoggaamiye ee Saciid Deni iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo aan dhaafsaneyn dano shakhsiyeed iyo siyaasadeed isku dhex jira.

Isku dayo fara badan oo guul daraystay kadib, dowladda Federaalka ayaa ciyaartay qorshe cusub waxayna aqoonsi siisay Maamulka SSC Khaatumo, kaasoo dagaal la galay Somaliland kana saaray ciidamada SL dhulal fara badan oo gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn ka tirsan, iyadoo uu tagay magaalada Laascaanood Ra’iisal Wasaaraha Xamse Cabdi Barre. Qorshahaas oo ujeedkiisu yahay in laga maarmo maamulka Puntland sidoo kalena la saaro culeys siyaasadeed oo uu waayo dhulal hore uga tirsanaa dhulka uu ka taliyo. Markii hore Puntland ay taageereysay SSC Khaatumo dagaalka ay kula jirtay Somaliland, iyadoo ujeeddada Puntland ahayd in maamulka SSC Khaatumo uu noqdo mid ay Puntland dhisato oo kusoo biira xulafadooda siyaasadeed ee Federaalka. Balse DFS ayaa uga awood badatay ugana guuleysatay damacaasi, taas oo keentay Puntland inay isu rogtay dhanka kale oo ay ku dhawaaqdo inaysan aqoonsaneyn SSC Khaatumo, isla markaana caqabad ku noqoto dhismaha maamulkaasi.

Cunaqabateynta badeed

Maamulka Puntland ayaa dhawaan Badda Cas kasoo qabtay markab sita calanka Comoros, kaasoo sidday hub casri ah oo ay ku jiraan gaadiidka gaashaaman ee ciidanka, dab-damisyo iyo qalab kale oo milatari, kuwaasi oo dowladda Turkiga ay u soo waday Soomaaliya si ay sare ugu qaaddo awoodda dhanka hubka ee ciidamada Soomaaliya oo Turkigu aad u taageero. Warar kala duwan ayaa kasoo baxayay sababaha keenay in ciidamada PMPF ee difaaca xeebaha Puntland ay markabkaasi kasoo kaxeeyaan xeebta deegaanka Bareeda ee gobolka Bari, ayna kusoo xiraan Dekedda Boosaaso. Wararka qaar ayaa sheegay inay cilad soo wajahday markabka, taasoo keentay in lasoo badbaadiyo sida hadalka loo dhigay, balse taas waxaa diiday in isla markabku uu yimid Boosaaso isla maalintii xigtay, ayna jirin in lasoo jiiday, sidoo kalena aysan Puntland laheyn inta la ogyahay markab soo jiidi kara maraakiibta noocaas ah oo culeyska fara badan qaada, laftiisuna ah mid culus, bedkiisuna yahay 80 mitir dheer, balaciisuna yahay 13 mitir, kaasi oo maamusho shirkadda General Cargo oo fadhigeedu yahay UK.

Falcelinta dowladda federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya illaa hadda wax jawaab ah kama bixin arrinta la xiriirta markabka Sea World ee Puntland ay gacanta ku dhigtay. Wasiirka difaaca Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo si kedis ah loo weydiiyay inuu ka warbixiyo markabkaasi ayaa wax jawaab ah bixin, isaga oo dhaqaaqay wariyaha, taasoo muujineysa in DFS aysan diyaar u ahayn xiligan inay ka hadasho arrinta markabka, ayna ka fekereyso sida ay u wajihi laheyd arrintan oo u muuqata mid ay kala kulmeyso culeys xooggan oo isugu jira mid caalami ah iyo mid maxalli ah.

Doorka dowladaha shisheeye

Falkan qabsashada markab xamuul oo marayay biyaha caalamiga ah ee Badda Cas ee xeebaha Soomaaliya ayaa u muuqda mid aad loo qorsheeyay, ayna ku lug leeyihiin dowlado shisheeye oo doonaya inay fashiliyaan horumarka Soomaaliya dhinaca difaaca, siyaasadda, iyo dhaqaalaha intaba, sidoo kalena ka shaqeynaya iska horkeenidda saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya si ay iyagu uga faa’iideystaan kala qeybsanaanta dalka. Dowladda lagu tuhunsan yahay inay maleegtay qorshahan marka loo eego sooyaalkeed fara-gelinta Soomaaliya waa Imaaraadka Carabta (UAE), oo xulafo siyaasadeed la ah Maamulka Puntland, sidoo kalena ka sameysatay Puntland mashaariic dhaqaale oo ay kamid tahay shirkadda DP World ee maamusha Dekedda Boosaaso. Heshiiskaas oo UAE ku bixisay malaayiin doolar, taa bedelkeedana ay ka macaashato boqolaal milyan oo doolar, heshiiskaasi sharci ahaan mugdi ku jiro maadaama aan ogolaansho iyo tali gelin looga helin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo awood gaara u leh gelidda heshiisyada noocaan ah oo lagu wareejinayo maamulka dekedaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya marka ay timaado maamulid shisheeye oo deked ka mid ah dekedaha Soomaaliya la wareegaysa, taasoo Imaaraadka iyo Puntland ay si ula kac ah uga aamusaan.

Muxuu yahay ujeedka?

Sida aan wada ognahay, dowladaha Soomaaliya waxay gaareen sanadihii u dambeeyay guulo siyaasadeed oo waaweyn, kuwaasi oo dalka Soomaaliya kusoo celiyay saaxadda siyaasadda caalamiga ah. Guulahaas ugu weyn waxaa ka mid ah qaadidda cunaqabateynta hubka, cafinta deymaha, ku biirista ururka dhaqaalaha Galbeedka Afrika, iyo ku fadhiisashada kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Guulahaas ayaa horseedaya in Soomaaliya ay gasho xaalad deganaan siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sidoo kalena ay awood u yeelato inay hub soo iibsato si ay uga adkaato kooxaha nabad diidka ah ee al-Shabaab, isla markaana ay ilaaliso xuduudaha dalka ayna yeelato ciidan awood leh. Sidoo kale, ay sameyso horumar dhaqaale iyadoo heleysa mashaariic maalgashi caalami ah oo lagu sameeyo kheyraadka dalka ee dhanka beeraha, xoolaha, kalluunka, macdanta, saliidda, iyo gaaska oo hadda howlahaasi bilowdeen, iyadoo dowladda Turkiga ay sahminta shidaalka iyo saliidda ka waddo xeebaha Soomaaliya, taasoo abuurtay sida dabiiciga ah tartan dowladaha shisheeye ee ka faa’iideysiga kheyraadka Soomaaliya kaasi oo u dhaxeeya dowladaha Imaaraadka iyo Turkiga, kanaasi oo saameyn togan ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya, isla markaana abuuray xiisad hor leh.

Dowladda Imaaraadku waxay maal-gashatay Puntland maadaama Turkigu uga hormaray dowladda dhexe ee Muqdisho, isla markaana yahay taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya. Waxayna Imaaraadku ka shaqeynaysaa in Turkigu uusan soo gaarin gobollada kale oo uusan ballaaran, sidoo kalena waa dal ka mid ah kuwa Khaliijka ugu soo saarita badan shidaalka. Waxayna ka cabsi qabtaa in Soomaaliya suuqa shidaalka ku ciriiriso, iyadoo dadaalkeeda ugu badan ku bixineysa fashilinta horumarinta Soomaaliya. Hadafkeeda ugu weyn waa in dib-u-eegis lagu sameeyo lagana laabto qaadidda cunaqabateynta hubka Soomaaliya, taasoo u muuqata mid ku dhow inay u hirgasho haddii Dowladda Federaalka aysan la imaan qorshe ka hortagi kara, waliba si degdeg ah.

Maxaa la gudboon DFS?

Dowladda Soomaaliya waxay leedahay hawl adag oo ah inay maareyso xasaradda taagan, sidoo kalena ay joojiso fara-gelinta Imaaraadka taasoo haddii ay ku guuleysato ay Imaaraadku weynaanayo galaangalka uu ku leeyahay Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waa inay qaadataa tallaabo geesinimo leh, isla markaana ay dalka ka ceyrisaa dowladda Imaaraadka gabi ahaanba, haddii ay noqoto hay’adaha dalkaasi ka socda iyo safaaradooda, iyadoo loo marayo habraacyada diblomaasiyadeed ee ku habboon. Sidoo kale, Dowladda Federaalka waa inay raadisaa wadiiqooyin siyaasadeed oo ay wada hadal kula gasho Puntland, maadaama tabashooyinkoodu siyaasad ku saleysan yihiin, ayna u sameyso tanaasul intii macquul ahayd, maadaama shisheeyuhu ka faa’iideysto markii la xiro wadiiqooyinka siyaasadeed ee wada-hadalka.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka waa inay war ka soo saartaa arrinta markabka hubka, ayna kala caddeysaa qaabka socdaalkiisa, cidda soo dirtay, iyo ujeedka socdaalkiisa. Aamusnaanta Dowladda Federaalka waxay abuureysaa shaki la xiriira sharci ahaanta socdaalka markabka, taasina waxay dhaawac gaarsiineysaa sumcadda Soomaaliya, sidoo kalena waxay abuureysaa kalsooni darro caalamka ka qaado Dowladda Soomaaliya la macaamilkeeda, taasina waxay dhabar jab ku tahay horumarka Soomaaliya ee curdunka ah.

Si Dowladda Federaalka u ilaaliso shuruucda dalka waa inay dhameystirtaa nidaamka garsoorka dalka, isla markaana xayiraadda ka qaaddo dhismaha Maxkamadda Dastuuriga oo ah tiirka garsoorka dalka isku hayaaya oo madax banaan, kaasoo cidna aysan siyaasadeyn karin. Maqnaanshaha Maxkamadda Dastuuriga oo eedeeda ay leeyihiin hoggaanka sare ee DFS maadaama ay jireen haddana jiraan fursado badan oo lagu dhisi karo, balse mar kasta dib loo dhigo!

Maamulka Puntland haddii uu diido xalka wada-hadalka, dhowrista madax banaanida JFS, iyo shuruucda dalka, waa in laga qaado tallaabo sharci oo mideysan, haddii kale waxaa calaamad su’aal gelinaysa jiritaanka qaranka Soomaaliya, mas’uuliyaddana waxaa leh Dowladda Dhexe.

W/Q. Bashiir Sheekh Maxamed Malin
Muqdisho, Soomaaliya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

- Advertisement -

Read more

Local News