Maxaa kulmiyey kadeedkii dariska iyo kacdoonkii xildhibaanada Soomaaliya?

GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, Aqrisyoow mudadii burburka ee 23-sano iyo dheeraadka aheyd dalkeena hooyo wuxuu noqdey “Qubrustii Jawaasiista!”. Wadamada dariska gaar ahaan Ethiopia waxeey sirdoonkeeda heerarka kala duwan ka dhexsameeysatey Soomaalida, iyadoo kuweedana dalkeeda ka keeneeysey mudadaa aadka udheer. Waxaa labarey Af-Soomaaligii iyo Abtirsiimihii qabaa’illada Soomaaliyeed, kadibna waxaa loo kala direy gobollada dalkeena hooyo. Qaarka loo diro “Gobollada Waqooyi” waloow xilliyadii dambe aaneyba dhib ku heyn, hadana waxeey sheegtaan qabaa’llada “Gobollada Koonfureed”, halka kuwa loo diro “Gobollada Koonfureedna” eey sheegtaan Qabaa’illada dega Gobollada Waqooyi, si Soomaalida loo khaldo una fududaato ku dhex qarsoomidooda iyo ku dhex milmidooda. Jawaasiistaa waxeey wada guursadeen gabdho Soomaaliyeed oo ilmihii eey gudaha dalka ugu dhaleen ayaa maanta dhowr iyo labaatan jir ah. Waa kuwa mustaqbalka dhow dalalka dariska ahi eey ku tashanayaan in eey ku garab istaagaan oo kumaalgaliyaan soo galitaankooda “Goleyaasha Dowlada”, iyo xafiiska ugu sareeya qarankaba, sidaana si fudud ay ula wareegaan hogaanka talada dalka, iyo masiirka dhan ee ummadeena Soomaaliyeed. Sheekh Xasan Daheeye oo ka hadlayey sida Soomaalida dalka uga sii yaaceeyso, cadowga dariskuna ugu soo qulqulayo ayaa daqiiqada Vide-gan daqiiqadiisa 7:40aad-illaa-9:20aad wuxuu ku leeyahay, “Habeenkasta Boorama oo kaliya waxaa soo gala 20-qoys oo Oromo ah oo is wadata, 50-ka sano ama 100-ka sano ee soo socota waxaa laga Yaabaa in Boorama eey noqoto magaalo Oromo sidii Dirirdhaba”.

Waxeey sidoo kale dabcan Dastuur-Ku-Sheega ku darsadeen qodobadii Diinta ku saabsanaa ee laga badaley dastuurkii 60-kii. Dastuur-Ku-Sheegan wuxuu dhigayaa in aanba loo baahneyn in Madaxweynaha Soomaaliya Muslim yahay, waxaa kaloo waxbadan laga badaley qaabka eey u qornaayeen Diinta rasmiga ah ee Dalka, ku dhexfaafinta Diimaha kale Dalka gudihiisa IWM, illaa Hey’ada Culimada Soomaaliyeed eey Bayaan kasoo saareen taariikhda markii eey ku beegneyd: 09/04/2012 iyagoo af labadii qeeylinaya. Dastuur-Ku-Sheegan waxaa sidoo kale aad uga digey aqoonyahanka Soomaaliyeed oo talo bixin wax ku ool ah ka biyey. Qeybihii ugu yaabka badnaa ee dowladaha Dariska gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya ay ku darsadeen waxaa ka mid ahaa: Qeeybaha xuduuda Dalka oo buuq badani ay ku galiyeen. Jinsiyad qaadashada oo ay ka dhigteen Shan sano oo kaliya, iyo ku dhalashada dalka oo kaliya oo muhiim ay ka dhigteen iyadoo laga saaray in waalidka cunugaa dhalay ay Soomaali wada yihiin.Waxaa halistiisii sidoo kale ka mid ahaa: Daciifinta awooda dastuuriga ah ee Dowlada Dhexe iyo dhinaca kalena xoojinta “Maamul-Beeleedyada”, iyadoo ugu dambeyn dowladuba laga dhigey “Isutaga Maamul-Beeledyada“.

Hadii taasi tahay qorshaha istaraatijiyadeed ee yoolka fog (Long term strategic plan), waxaa jira mid kasokeeya oo dalka ay kusii qasayaan taa inta aaney udhaboobin. Waxeey sameeysteen kooxo dhuuniqaateyaal ah, sheegtana in eey siyaasiyiin yihiin oo si kal iyo lab ah ugu shaqeeya cadowga.Waxaa taariikhda kuwaa ugu horeeyey hogaankoodana ahaa Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed hadana waxaa booskiisii buuxiyey oo hogaanka uqabtey: Shariif Xasan Sheekh Aadan (Shariif Sakiin) oo eey garbaha ka kala ordayaan hogaamiyeyaasha “Maamul-Beeleedyada” Somalilnd iyo Puntland-ba ha ugu darnaadeene, balse tirada guud ee kooxdani mayara. Kuwani maqaarka sare ka ah Soomaali, waxeey qaarkood ku kala jiraan golayaasha dowlada ugu sareeya. Waxeey joogaan xafiiskasta. Waxeey mas’uul uga yihiin cadowga Soomaaliyeed fulinta qorshe kasta ee loo baahdo waqtikasta. Waxaa lagula dagaallamaa rajada Qarannimo ee Ummadeena Soomaaliyeed.

Bal u fiirso dhacdooyinkan adigoo indhaha u furaya sida dhacdooyinka isu fasirayaan. Sida la wada ogsoonyahay Kenya waxeey tiro lagu qiyaasey 5000 oo qof oo masaakiin Soomaaliyeed ah, una badnaa Marras: Dumar, Caruur iyo  Waayeel raaf, silic iyo bahdil raaxada uga qaadey xaafada Islii iyo Nairobi, oo eey ku jiraan in badan oo Card-ka iyo warqadaha UNHCR-ta ee qaxootinimo heeysata. Jirdil, Kufsi,  Dhac iyo Boob ayaa usii dheeraa wixii loogu geeysanayey garoonkii Karasai ee lagu karantiiley, kaasoo lala barbardhigey “Concentration Camps-kii Hitler” ee uu Yahooda ku heynjirey.

Kenya intaa kuma aaneey ekaane, waxeey xirtey Qunsulkii dhamaa ee Safaraada Soomaliyeed ee Kenya sida rasmiga ah ugu fadhiyey. Taasoo ah wax aan la arag oo aan la maqal. Sida caadada Diplomaasiyadeed ay tahay (Diplomatic Custom), marka dowladuhu muujinayaan in xiriirka labada Dal uu xumaadey, waxeey dalkooda ka eryaan Safiirka dalkaas, koodana weey u yeertaan, xiridse waa wax aan ka mid aheyn dhaqanka Diplomasiyadeed, oo qofkaa Diplomaasiga ahi ee dalkiisa sida rasmiga ah u matalaya, wuxuu leeyahay wax afka qalaad lagu yitaahdo “Diplomatic Immunity*” ama Xasaanad Diblomaasiyadeed. Inkastoo Soomaalida qaar meelkastaba ha joogtee aaney jecleyn in wanaagaa ay dowladooda u qiraan, “Sababo liita” aawadeed, hadana waxaa ka dhiidhiyey Madaxweynaha, Golahada Waziirada iyo Gobolaha Baarlamaanka intaba, oo cod dheer uga hadlida kasokoow, shirkii looga hadlilahaa arimaha qaxootiga ay dadkeedan la dhibaateeyey darteed u qaadacdey.

Kenya oo aan dhawaanahan ubaran dowlad Soomaaliyeed oo damiir, dadnimo iyo  dhiiranaan intaa la eg inta iska baarta, ficilladeeda si public ah u radisa/uga jawaabta, ayaa waxeey kaga jawaabtey iyana in ay si toos ah markii ugu horeeysey eey “Qunsullo” usoo kala dirsato Hargeeysa iyo waliba Kismaayo oo ah xarunta maamul-ka kumeelgaarka ah ee ay xoogga ku heeystaan Maleeshiyo-Beeleedka Raaskambooni ee ay iyadu soo carbisatey, kuwaasoo ay kubadashey maamulkii asalkooda ahaa ee “Azania”, kuwaasoo hadda ay meesha ku heeyso, maadaama uuyahay maamul xeeyndaab ah (Buffer zone) u ah Kenya. Waxeey Kenya Qunsul-ku-sheegyadaa soo direeysaa iyadoo aaneey soo ogeysiin dowladii rasmiga aheyd ee dalka Soomaaliya mas’uulka kawada aheyd caalamiyan, hadeey rabto yaaneey dalka gacanta kuwada heyne.

Waxeeyse ugu akhassaneyd markii si damiir la’aan ah waraaqihii Qunsul-Ku-Sheegaa Kenya uu ka gudoomey hogaamiyihii Jabhad Beeleed-ka Raaskambooni ee madiidanka u ahaa Kenya, hogaamiye kooxeed: Axmed Madoobe!

Maadaama wadamada Dariska ee dhulka iyo dadkaba ka heeysta Qaran weynaha Soomaaliyeed eey umidoobeen cadowtinimada Soomaaliya, markastana siyaasadooda ku wajahan Soomaaliya ay isku dubaridaan, ayaa dhinaca kalana Ethiopia waxeey shirkii  ammaanka “Dalalka” Africa oo ay ka qeyb galayeen “Madaxweyneyaasha Dalalka”” qaarada Africa ee  ka furmey April 25, 2014 magaalada Bahar-Dar ee dalka Ethiopia, ayaa meeshii eey ku casuumi laheyd Madaxweynaha Dalka Soomaaliya: H.E. Xassan Sh. Maxamuud ayaa waxay booskiisii ku casuuntey “Chief-Minster-ka” gobollada Bari, ama Madaxa Maamul-Beeleedka Puntland: Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isagu sidaa la dhacsan, jeclaan lahaana in maamulka uu madaxda ka yahay lagala tashado wixii Soomaaliya oo dhanba ku saabsan. Waxaa sidoo kale la socdey wafdi isla Maamulkaa ah, oo si toos ah Garowe uga baxay. Taasoo aheyd xagaldaacin toos ah oo aan qarsooneyn, laguna niyadjabinayey dadka iyo dowlada Soomaaliyeed.  Foowdadaa waxaa sii waaley garasho la’aanta qollada maamusha website-ka dowlada (radiomuqdisho.net) oo qaab indho-sarcaad ah website-kii Dowlada Dhexe ugusoo qaatey.

Maadaama siyaasadaha fog ee dowladaha dariska gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya ay Soomaaliya ka leeyihiin ay tahay mid hore u dagsan, oo aragti fog leh, ayaa si duruus loogu dhigo dowlada hadda jirtaahi, loona tuso in aaneey awoodeedu gaarsiisneyn in ay wax kadhiidhiiso, mardambana aaney madaxaba kor uqaadin, ayaa waxaa isla markiiba lagu abaabuley kuwa jawaasiista u ah wadamada dariska, kuna dhexqarsoon gudaha Baarlamaaka Sooamaliya, kuwaasoo u dhexfadhiya danaha Dowladahaasi, iyo waliba kuwa Maamul-Beeleedyada aan qaarkood kor kusoo xusney. Maamul-Beeleedyadaa ulajeedooyinkii horee loo abuureyba waxay aheyd in Soomaaliya lagu kala dhantaalo, abidna aan la arag Soomaaliya oo ah dal mideeysan, lehna dowlad dhexe oo awood leh, taasoo caalamka u matali karta danahooda mideeya ee Qaran. Qaarkii hogaaminayey “Xildhibaannadii” waday mooshinkii lagu doonayey in madaxweynaha dalka lagu rido ama uu is ku casilo ayaa waxaa hormoodaya: Xildhibaanada kala ah: C/qaadir Cosoble, C/llaahi Jaamac Kabaweyne, Maxamuud Guure, Prof. Gaandi, Prof. Cali Khaliif Galeyr, Xasan Abshir Faarax, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo C/risaaq Jurille.

Soomaalida qaar oo meesha dhow wax ka aragtase waxeey u arkaan oo kaliya in ujeedada riditaanka Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud uusan ku saleysneen wax mabda’ ah, iyo mid Soomaalinimo ku dheehantahy, ama Xasan wax buu qabtay ama wax ma qaban lagu leeyahay, balse arintu tahay oo kaliya maqaayadii baa qoryo beeshay oo dhaqaale baa la abuurayaa, sida caadaduba aheyd markii mudo la joogaba. Micnaha qorshuhu hunguri ma dhaafsiisna oo waa kan la riixayo iyo kooxdiisaba  lacag ka qaata, kan la doonayo in la keeno iyo kooxdiisana sidoo kale lacag ka qaata. Marka waa hal dhagax labo shimbirood kuwada dila, oo lamid ah hal mooshin labada jeeb Dollar (Xaaraan ah) hakuu wada buuxiyeen.

GUNAANAD

Dalalka dariska ah maadaama Soomaaliya taariikh mugdi ah eey kala dhaxeeyso, dad iyo deegaan in eey kawada heeystaanna eey ogyihiin, ayaa waxa ay waxkasta usoomaraan caadifada qabiilka, maadaama ay ka dharagsanyihiin wixii ummada kala gaarey iyo in boogta Soomaalidu tahay qabyaalada, taasoo ummadeena intooda ugu badani indhatirtey, hilmaansiiseyna cadowgooda rasmiga ah, oo qofka Soomaaliga ahi marka laga reebo in yaroo fara kutiris ahi, aragtidooda aaneey dhaafsiisneyn tan qabiilka iyo Maamul-Beeleedka, oo tan Qaran inta eey u tirsantahayba ay aad u yartahay.

“Orgiga Oohinta ka weeyne” aqristoow bal meel fog wax kafiiriye, bal maxaa dhacdooyinkaa isku soo wada beegey, oo maxaa kulmiyey kadeedkii wadamada dariska iyo kacdoonkii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya?-Allahuma Ballaqtu.

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamule ku xigeenka Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha ahna Bare isla kulliyadaa ah

Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

——————————————————————————————————————

*Diplomatic immunity is a form of legal immunity that ensures that diplomats are given safe passage and are considered not susceptible to lawsuit or prosecution under the host country’s laws, although they can still be expelled. It was agreed as international law in the Vienna Convention on Diplomatic Relations (1961)