Is-casilaadii GUULEED ma xalbaa mise waa xeelad? (Sirta meesha ku jirta)

Wax walba oo aadanaha ugu jecel yahay waa amni,  dowlada jumuuriyada fadaraalkuna waxay kow,  labo & sadex ay ka dhigatay AMNIGA arintaasna waxay ku aamintay in uu noqdo wasiirka amniga mudane C/kariin Xuseen Guuleed in kasta oo wasiirku qibrad dhanka ciidamada uusan lahayn oo bulshada rayidka uu ka yimid,  hadana waxaa loo arkay in uu mudan yahay magacaabistiisana wax cabasho kama imaan waayo saaxada siyaasada horey looguma aqoon,  sidaas ayuu amniga qaranka & arimaha gudaha ugu qabtay mudo 6 bilood ka dib waa la dhaliilay.

Maxaa loo dhaliilay wasiirku?

Waxaa lagu dhaliilay dhanka Amniga in uu wax ka qaban waayey,  xukumadii mudane Saacid ,  R/Wasaarihii xilgaa ee Saacid waa uu garwaaqsanaa in uu gaabis ka jiro dhanka Amaanka shacabkuna sidaa oo kale,  dhaliishaas waxaa kale oo ay ka imaaneysay dad ku xeel dheer arimaha ciidanka & siyaasiin waayo u joog u ahaa xaaladaha Amni halka dood kale ay lahayd wasiir Guuleed dhaliisha asaga kali kuma eka ee dalkeena ayaa meel kasta farqaha looga dhagan yahay,  xaalada dalka ku hareereysan ayaa ka wayn awooda Dowladda taas ayaana ka dhigeysa in ay wax walba banaanka yimaadaan eedayntuna waxaa ay taabataa mar walba cida hogaanka u haysa Amniga.

Baarlamaanka ayaa arintu Liin ku sii dhiijiyey marar badana ka hadlay xaalku uu Amniga maraayo waxayna sheegeen in ay la xisaabtamaayaan wasiirka & laamaha Amniga,  arintu waxay socotaba hal mar ayey cayn wareegtay oo ay isku rogtay dhan kale.

Xukumaddii Saacid ayaa qiiq siyaasadeed lagu furey,  siyaasadu ma ha la isa siraa mise waa siriq?

Maxaa yeelay waxaa la arkay wasiiro meertada mooshinka taagan waxaanse maqli jirey nin Laanta uu saaran yahay gudin ku jaraayo wasiiradeeni qaar ka mid ah ayaa sidaa lagu xantay baarlamaanka ayaana cod galiyey xukumaddii Saacid na waa la dal dalay cimrigeediina waa la soo gaabiyey waxaase la lahaa waa ay wada dhacday xukumadii,  markiiba waxaa soo ifbaxday in ay soo noqonaayaan wasiirada qaar ku waasna waxaa ka mid ahaa mudane Guuleed waxaana loo magacaabay xilka uu iska casilay 24 kii bishaan,  taana guux badan ayaa ka dhashay maxaa yeelay xukumaddii ay ka tirsanaayeen haddii ay ku fashilantay howshii loo idmaday ayaa waxay ka dhigan tahay in ay fashilka qayb ka yihiin,  siyaasadu ma ha la isa siraa mise waa siriq? Sow tii Saacid &saaxiibadii seedaha la gooyey halka saaxiibaddii kale safarkoodii ay sii wateen,  mudane Saacid qudhiisa waa uu tuhunsanaa in ay xulufeysi wadeen qayb ka mid ah wasiiradiisii balse wax badan ayuu xeerinaayey sida asagaba uu sheegay,  arintaas aan soo sheegay waad ka dharagsan tihiin laakiin waxaa muuqanaayo wax arintaas u eg waa ay rumoobi kartaa wayna dhicisoobi kartaa.

Hadda wasiir C/kariin waa uu is casiley,  is casilaadiisana waxaa lala mataaneeyey weerarkii lagu qaaday xarunta shacabka,  arintaan waxaa ay ka doodisteedu yareyneysaa ama meeshaba ka saareysaa mooshinkii ay baarlamaanka ka keeneen madaxweynaha Jumuuriyada Fadaraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh maadaama uu isbadal ku yimid wasaaradii Amniga madaxweynahana dhankiisa lagu xaglinaayey, doodaas in sidaa looga harayo in ay sii soconeyso waa dood kale in kasta oo ay xildhibaanada qaar & siyaasiin ay sheegeen in aysan ku filneyn ka tagista mudane Guuleed waxaase soo baxaaya in hogaanada laamaha amaanka in ay wayn doonaan xilalkooda waxaa kale oo ay saameyneysaa ayaa la lee yahay taliyaha ciidamada xooga dalka soomaaliyeed hadiiba ay taasi dhacdo maxay ka badali kartaa mas’uuliyiinta la magacaabi doona?

Wasiirka iscasilaadiisa maxaa xigi doona?

Waxii dhici doona ILLAAH ayaa og balse xog ka imaaneysa xafiisyada siyaasada Dowlada ayaa sheegaaya in wasiirada la isku shaan dhayn doono wasiiro qaarna ay xilkooda ku wayi doonaan sida gaashaan dhiga & wasiirka caafimaadka waxaase ka soo dhax muuqan doona mar sadexaad mudane C/kariin wasiirka wax barashada ayaana loo magacaabi doonaa,  arintaan haddiiba ay dhacdo sow noqon mayso “side xeego lagu xagtaa Ilkana ku nabad galaan” oo ah side mooshinka madaxweynaha meesha looga saaraa mudane C/kariin na golaha wasiirada uu uga mid noqdaa siyaasaduse ma ha la isa siraa mise waa siriq silsiladaan maxay tahay.

Iscasilaada wasiirka Amniga caqabad intee la eg ayey ku keeeni kartaa xukumad C/wali?

Waa mida koobaade wasiirka waxuu ka tirsanaa xukumada taas micnaheeduna waa wax ayaan ka qaban wayney amaanka hadalkaasna waa ay sameyneysaa,  tan labaad waxaa laga yaabaa baarlamaanka in ay fursad u arkaan arintaan oo ay xukumadu jiritaankeedu shaki galiyaan si ay uga mid noqdaan xukumada soo socota mida sadexaaad mooshinka wali horyaalo Baarlamaanka oo ku wajahan madaxweynaha in ay u weeciyaan dhanka xukumada C/Wali waa ayse adkaan doontaa oo uma fududaan doonto sidii Saacid oo kale maxaa yeelay wali dhaliilo ku wajahan mudane C/wali ma soo ifbixin waxii qarsoon waa meeshoodee ogose taas haddii ay dhacdana siyaasada madaxweynaha uu ku hiigsanaayo 2016da ayey dhaawacaysaa.

Iscasilaadii wasiirka Amniga qaranka ma xalbaa mise waa xeeladd kale?

Siyaasiinta siyaasada abla ableeya ayaa waxay lee yihiin iscasilaadaani waa tab xukumada lagu kala furfuraayo waxaase suuro gal ah in ay is casilaan wasiiro kale,  aaqirkiina la doonaayo in lagu daciifo awooda xukumada Ra’isul wasaare C/Wali Sh Axmed si meesha looga tuuro.

Arimahaan kor ku xusan marka Shacabka loo eego waa shibanayaal aan sheekadooda la shaacin,  shacabkaan waxuu u baahan yahay hogaamin mugdi aan ku jirin.

W/Q: Wariye Suleymaan Sh Ismaaciil

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid