Lixdii Jiis ee is-cuskatay (Hardanka ka dhaxeeyay Xasan iyo Xildhibaanada)

Xiligii Dowladii Umawiyiinta ayuu Xujaaj Bin Yuusuf  waxa uu isku wada  ahaa Wasiirka Gaashaandhiga, Siyaasada, Maamulka & Macalinimada ( Minister of Defense, Policy, Administration and Teacher)  Jagooyin faro badan ayuu isku hayay xujaaj xiligaasi.

Xujaaj waxa  uu diyaarin ugu jiray Ciidamo  xoogan oo ay yeelato Dowladii islaamka si loo helo ciidan Tiro & Tayaba leh, iyo in Diinta Islaamka la gaarsiiyo meelo aad u fog – fog oo aysan  weli diintu gaarin, si loo  hirgaliyo hanaan wanaagsan ee Dowlada islaamku ay yeelato, Dowlada islaamu arimahaasi iyo kuwa lamidka ahba si loo xaqiijo  waa  in ay hasho ciidamo  faro badan oo howshaasi uqabta  Dowlada islaamka.

Xujaaj isagoo hadafkiisa ka duulayo  ayuu wuxuu bilaabay amaro ad-adag oo ah in ay  Dadku is diiwaan geliyaan, ayna ka qayb qaataan howlaha ciidanka iyo kuwa arimaha bulshada.

Amaradii Xujaaj waxay saameen weyn ay ku yeesheen Magaalooyinkii ugu waa waynaa Wadanka Ciraaq, sida Magaalada Kuufa & BASRA Dadkii qaar baa fikradihiisii si dhaqso ah u mucaaraday inta badan Dadku way uriyaaqeen fikradihii Xujaaj waxayna qayb ka noqdeen Ciidankii la diyaarinayay, inyar mooyaane oo mucaarad ah Qolooyinka Mucaaradka noqday ayaa bilaabay in ay jilaafeeyaan qorshihii uu waday Xujaaj Bin Yuusuf.

Xujaaj howshiisii ayuu sii waday isagoo xooga saaray arrimaha Ciidanka, Maamulka , Waxbarashada, Dadka qaar waxay ku biireen Ciidankii jiray, qaarna waxay noqdeen inay waxbarshada ka qayb qaatan qaarna maamulka iyo dhismaha wadanka ayay ka qayb qaateen.

Intii Mucaaradka noqtayna waxay noqdeen  qaar warar been abuur ah faafiya , durbaba waxay bilaabeen inay habeen madoow ay isaga guuraan Magaalooyinkii waa waynaa iyagoo utalaabayo dhanka  kale ee ka soo horjeeday muslimiinta.

Dadkii lugooyada iyo Dacaayda ka dhanka ah Xujaaj waday ayaa qaybo ka mid ah  waxay ku wada balameen  meel  Magaalada  Basra  banaankeeda oo xoogaa ka baxsan magaalada,  halkaasi  ayay habeenkii isugu iman jireen dadka raba inay ka guuraan Xukunka Xujaaj iyo Magalooyinka Basra & Kuufa  si ay safarkaa dheer isugu weheshadaan.

Habeen habeenada ka mid ayaa waxaa  Barsa Banaakeeda ku kulmay Lix Nin oo aan is aqoonin  waana habeen madoow oo gudcur ah way isa salaameen  wayna is waraysteen  waxayna ka wada hadleen safarkaa dheer  waxay isku sheegeen  Magacyadooda iyo Qabiiladooda,Isku Qolo ayay wada noqdeen lixda nin  waana Qolada Xujaaj uu ka dhashay  ee AL-Thaqafi.

lixda Nin  intaa kolii  ay is waraysteen ayay  waxay ku tashadeen in markuu waagu uu baryi rabo in ay dhaqaajiyaan, habeenka inta yare ee ka harsana  ay seexdaan, lixda Nin waxaa meesha keenay oo ku soo tuuray Tolkooda,  Lixdooda waa Lix Nin oo dhib badan madax adag, lixdooduna  waa waa wada Curyaan,  in ay curyaamiin yihiina isuma aysan sheegin waxay isku sheegeen oo kaliya Magacyadooda & Qolooyinkooda.

Markuu waagu baryi rabay  ayaa mid  soo  toosay  ul uu sitay  cuskaday, mid labaad ayaa isana soo toosay waxaa uu cuskaday kii taagnaa ilaa kii lixaad ka soo tooso way is wada cuskadeen weli xoogaa waagu si fiican uma usan beryin weli xoogaa mugdi ah  ayaa jirro, markuu waagu si wanaagsan ubarayay bay waxay is arkeen in ay yihiin Curyaamiin is Cuskatay oo aanan la hayn wax tabar ah oo ay ku safraan oo ay ku xumeeyaan xukuumadii Xujaaj, oo ay yihiin  Lix Jiis ee is cuskatay

Ciidamdii Xujaaj ayaa ka warhelay in Lix Nin oo jiisas ah la qayaanay oo magaalada  Tuulada udhow ay tolkooda ku soo tureen  oo ay  isku Cuskanyihiin oo aysan haysan awood ay ku sii safraan ama ay Dib ugu soo laabtaan Magaalada Basro , Xujaaj Ciidankiisu waxa uu ku amaray in Lasoo caawino loona keeno si uu uga waraysto waxay dhacay.

Lixdii Curyaan ee ku Qolada ahaa Xujaaj wuu soo horfariistay waxay nodeen kuwa uu  Garanayo waxay wada ahaayeen Reer Taif, Hal meel bay wax ku soo wada barteen  waxay kuwada noolaayeen wadanka SucuudiArabiya Magalada Taif ee uu ku dhashay xujaaj

Xujaaj waxaa uu waraystay Ragii Lixda ahaa ee Curayaamiinta uuna wada Garanayo Magaacayadooda iyo wajiyadooda  sababta ku kaliftay in ay Mucaaradaan oo ay uga cararaan Magaalada iyagoo Curyaamiin ah isagana ay macriifo yihiin weliba ay iskuna Reer ay yihiin, waxay ugu jawaabeen waxaan ahayn ku ogaa xiligii Magacaadu uu ahaa  Kulayb,

Xujaaj intaanu  noqon Macalin Dhiga Quraanka  magaciisii hore waxaa uu ahaa Kulayb, wuu iska badalay Kulayb waxa uuna labaxay Xujaaj oo hadda loo yaqaano,Xujaaj Magaciisii hore waxa uu ahaa Kulayb, Kulayb  waa  magaciisa sax ah ee  loogu waqlalay .

Xujaaj waa uu Qoslay markaasuu yiri ma intaas aqoontaas hore aad ii laheydeen miyaa idinku kaliftay  in aad iga carartaan idinkoo weliba ah Curyaamiin

Lixdii curyaan ayaa hadlay oo waxay yiraahdeen jagooyinka oo dhan adigaa  wada qaatay intii hartayna waxaad siisay kuwa kugu fikir ah waxa yar ee harayna  waxaad ku  qancisay reer Basra

Xujaaj waxa uu ku yiri curyaamiintiina  Dowladayda waxba kama qaadaysaan,

Curayaamiiniina waxay yiraahdeen  Dowlaadaadu  sidaan jiis unahay bay iyaduna  ay jiis uhaanaysaa,  waxba ma noqon kartid  adigoo anagoo lixda jiis ah oo aadan na qancin!!!!!,

Xujaajna waxaa uu yiri  la arki doonee !!!!!!!, sidaas ayayna ku kala tageen Xujaaj iyo Lixdii Jiis

Hadaba aqristoow miyaanan la dhahi Karin Baarlamaanka Somaaliya kuwa hadda Xasan Sheikh  leh ha is casilo  in ay lamid yihiin Lixda Jiis ee is Cuskatay ee xujaaj ku Reerka noqday

Xasan Sheekhna miyaan la dhihi Karin waa Xujaajka cusub sababtoo ah awooda Dalka oo dhan inteeda badan isagaa qaatay intii hartayna waxaa uu udhiibay xisbiga Damjadiid.

Baarlamaanku waa Lixdii  Jiis ee is cuskatay,  Xasana waa Xujaajka Cusub ee Somaliya

W/Q: Maxamed Adkeeste

adkeeste@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid