Nabadgelyo Guuleed: WQ Yusuf Garad

Marka hore waan u hambalyeynayaa Wasiirka Amniga, Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo  is casilay. Waan ogahay Cabdikariim sida uu shaqqadiisa u jeclaa iyo sida ay isugu dubba dhacsanayd marka laga reebo in Soomaalidu ay aad dhaliilsanayd howshiisa.

Waxaan ugu hambalyeynayaa in danta guud darted iyo Ammaanka dalkeena uu isu casilay.

Madaxweynuhu wuxuu Twitter ku soo qoray in la arki doono lana dareemi doono isbeddel jawaab u ah dhacdada maanta.

Haddii la rabo in taas laga dhabeeyo, isbeddelkuna u noqdo mid raad reeba, waxaa iga talo ah in xilkaas aan qabiil uun lagu bixin, ee la soo xulo mas’uul howsha ka bixi kara.

Xataa qabiilka lagama waayayo rag ammaanka aqoon wanaagsan u leh, welibana mar dhow ammaanka dalka madax ka ahaa.

Isbeddelku waa inuusan ku saleysnaan yaan meesha ku buuxinnaa ama isaga aammusinnaa, waa in uu ku saleysnaado yaa ka bixi kara?

Taas oo haddii la suurta geliyo anigu aan shakhsiyan u sacbin doono, isla markaana aan taageeri doono.

Haddii cid ka sii aqoon badan la helana waa in isbeddel ka ballaaran hal Wasiir oo kaliya la sameeyo.

Islamarkaana waa in laga fekero in isbeddel ka weyn Wasiirka oo keliya lagu sameeyo heykalka Amniga dalka.

Cabdikarim kartidiisa iyo xiriirka kala dhexeeya Madaxweynaha, waxaan rajeynayaa in uusan u shallaayi doonin xilka uu ka tegey.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid