Muqdisho (Caasimada Online)-Markab waday shixnad ganacsi ah ayaa galabta kusoo caariyay xeebaha Dekadda magaaladda Muqdisho.
Markabkan oo magaciisu yahay MSC Postano ayaa la doonayay inuu ku soo xirto Dekeda, waxa uuna la fadhiistay cilad kasoo foodsaartay dhinaca Matoorka.
Saraakiisha Dekadda magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay aad u yartaha rajada laga qabo in lagu badbaadiyo Markabka oo qeybo kamid ah uu degay, waxaana la sheegayaa in maamulka Dekadda uu ku dadaalayo badbaadinta Hantida saaran Markabka.
Markabka ayaa iminka sabeynaya xeebta meel u dhow Isbitaalka Martiini iyo Xabsiga Muqdisho, waxaana badda oo biyo yar darteed ay suura geli la’dahay in loo jiido dhanka Dekeda.
Saraakiisha Dekadda ayaa sidoo kale, sheegay in Markabka ay isku kaashteen Dabeylo iyo Cilada Matoorka waxa ayna tilmaameen in quus laga taagan yahay badbaadintiisa maadaama aysan Dowladu heysan qalabka lagu badbaadiyo Maraakiibta.
Maamulka Dekadda, gaar ahaan Shirkada Albeyrak, ayaa lagu dhaliilay in wali aysan keenin biraha waaweyn oo ay ku xirtaan Maraakiibta, iyagoo ku mashquulay dhismaha caadiga ah.
Dekeda Muqdisho ayaan wali helin dayactir ballaaran waxa ayna taa soo dadajisay in Maraakiibta qaar aysan soo gaarin goobaha lagu xirto, halka qaarna ay Doonyo kusoo raraan alaabaha ay wadaan goortii ay soo gaaran meel ku dhow Dekadda.
Dhinaca kale, waxaa sidaa oo kale Xeebaha Somalia ku ciladoobay Maraakiib dhowr ah oo waayay agabkii ay ku xiran lahaayen ama lagu badbaadin lahaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]