Gaas: Farmaajo waa saaxiibkey ma aha inuu kala fadilo shacabka iyo BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay talaabooyinka looga baahan yahay Dowlada Somalia ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in isbedelka iyo waxqabadka laga doonaayo Madaxweynaha iyo Xukuumadda Cusub ee Somalia, uu yahay mid ka duwan kuwii ay horay u sameeyen Dowladihii isaga ka horeeyay.

Waxa uu sheegay in shaqada ka dhexeysa Madaxweynaha iyo Xukuumada cusub loo baahan yahay inay noqoto mid ku xiran sida ay xiriir dhow oo wadashaqaynayd ula yeelan lahaayen Barlamaanka Federaalka iyo dowladda Goboleedyada Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

C/wali Gaas wuxuu tilmaamay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay in xiriir dhow oo wadashaqaynayd la yeesho Madaxweynaha iyo Xukuumadda cusub ee Somalia, waxa uuna cadeeyay in Dowladaani ay uga duwan tahay Dowladihii hore maadaama ay kalsooni ka heysato Baarlamaanka iyo Shacabka.

”Farmaajo waa Madaxweyne aan saaxiib dhow nahay horay waan usoo wada shaqeynay hadana waan wada shaqeyneynaa waxaan u baahanaha inuu la imaado isbedel iyo xiriir dhow Puntland waxa ay garab boodi doontaa Dowlada”

”Farmaajo cidda la rabo inuu xiriir dhow la yeesho waa Barlamaanka, ma aha Shacabka, waxaan kula dardaarmayaa inuu xoojiyo xiriirka Xildhibaanada halkii uu ka xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya Shacabka”

”Madaxweynuhu inuu shacabkiisa ku xiran yahay waa fiican tahay, laakiin shaqada dowladnimo cida ay dhexmarayso, cida isbedelka samaynasa, dastuurka wax ka bedelaysa ee dhamaystiraysa waa Barlamaanka iyo gudayadiisa” ayuu yiri

”Maadaama uu saaxiibke yahay waxaan jeclaaday inaan u sheego waxa horyaal iyo sida loo fulin lahaa, waayo tallo kama maarmo xiligaani”

”Waxaan rajeyneynaa inuu xoojin doono xiriirka Barlamaanka aqal hoose iyo aqal sare, Garsoorka, gollaha xukuumadda iyo maamul goboleedyada”

C/wali Gaas waxa uu mar kale ku celshay inay wada shaqeyn dhow la yeelan doonaan Dowlada Somalia iyo Xukuumada la filaayo in gudaha Asbuucaani lagu dhawaaqi doono waxa uuna meesha ka saaray in Puntland ay ka hor imaan doonto Dowlada, xili uu Waraysi gaar ah siinaayay Barnaamijka Deparani show ee Somalicable.

Hogaamiyaha maamulka ayaa sanadihii ugu danbeeyay aad kaga soo horjeeday Dowladihii ka horeeyay Farmaajo waxa uuna inta badan dhaliil ka muujin jiray qaabka ay howsha u wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com