Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax lagu dhaawacay Sargaal ka tirsan Booliska xili uu ku sugnaa xaafada Afasiyooni ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa waxaa Sargaalka loogu xiray Gaari uu watay waxaana soo gaaray dhaawac aad u culus oo saameeyay qeybaha hoose ee oogada jirkiisa.
Sargaalkani oo lagu magacaabo C/weli Sabriye ayaa ka shaqeynaayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la qarxiyay xili uu usoo nasiin doontay hooygiisa.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu C/weli Sabriye dhaawacaasi ugu geeriyooday Isbitaalka Madiina oo ku yaala Degmada Wadajir, halka warar kaa ka duwana ay sheegayaan inuu noolyahay balse uu ku jiro xaalad adag.
Qaraxaani ayaa noqonaaya kii labaad oo ka dhaca magaalada Muqdisho muddo ka yar 24 saac, waxa uuna daba socdaa Qaraxyo asbuucii tagay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku badan gawaarida gaarka loo leeyahay ee qaraxyada loogu soo xiro shakhsiyaadka iska leh.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]