27.9 C
Mogadishu
Saturday, November 1, 2025

Maxaa kusoo kordhay wadahadalka Farmaajo iyo Madaxda Imaaraatka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku sugan dalka Iskutaga Imaaraatka Carabta, kadib casuumaad uu ka helay boqortooyada dalkaasi.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Imaaraatka ayaa waxaa ugu horeeyay Kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya horumarintooda, cilaaqaadka labada dal iyo qorshe kasta oo ku aadan dibu kabashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Mahadcelin u jeediyay dowladda Imaaraatka dadaalada iyo garab istaageeda ku aadan taageerada ay siineyso dowladda Soomaaliya, isagoo ka codsaday in dhanka dhaqaalaha iyo dib usoo kabashada laga taageero dowladda uu hogaamiyo.

Waxaana uu carabka ku adkeeyay  tixgelinta uu u hayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda taageerada xiriirka ah ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa , isaga oo sare yeelay kaalinta wax ku oolka ah iyo midda kalgaceylnimo ee Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu u haayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ay sii wadi doonto taageeridda walaalaha Soomaaliya, ayna ka caawin doonto dib u dhiska hey’adaha qaran si loo taageero amniga , deganaanshaha iyo horumarka, isaga oo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed barwaaqo, horumar iyo inuu ku rumoobo hiigsiga iyo yididiilada ay qabaan iskaashi, is taageerid iyo danaha qaranka oo la sarreysiiyo.

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu tilmaamay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ballan-qaadeyso sii socoshada xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya shacabka Soomaaliyeed, waxa kale oo yiri “Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxa ay is garabtaagi doontaa, taageeri doontaa dadaalka Madaxweyne Farmaajo ee hiigsanaya amniga, deganaanshaha iyo horumarka, waxa ayna ahaan doontaa mid taageerta dadaalkaasi”.

Intii kulanka uu socday ayaa waxaa kale oo looga wada hadlay horumarada iyo xaaladaha gobolka iyo dunida ka taagan iyo arrimaha kale ee qiimaha u leh in la wadaago.

Kulankani ayaa waxaa ka qeyb galay dhanka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Dr. Anwar bin Mohammed Gargash Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Ali bin Hammad Al Shamsi kuxigeenka Xoghayaha guud ee Golaha sare ee amniga qaranka iyo Mohammed Mubarak  Al Mazrouei Agaasimaha diiwaanka Dhaxalsugaha Abu Dhabi.

Waxaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeybgalay kulankaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda Amb. Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Macallin Nuur Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Cali Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha iyo tiro kale oo mas’uuliyiin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News