Warbixin: Murugaddii qarsooneyd ee qaraxii ismiidaaminta ee W/Gaashaandhiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa reeba dhacdooyin xanuun badan oo ka dhasha qaraxyada dhacaya, waxaana sheeko walbaa ay ka murugo badan tahay sheekada kale.

Qaraxii ka dhacay agagaarka wasaarada gaashaandhiga ayaa waxaa aad u hadal hayo shacabka magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka sida weyn ula socday dhacdada murugada leh ee uu geystay ruuxii ismiidaamiyay.

Ruuxa waday gaariga waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ayaa wuxuu sameeyay fal aan laga fileyn isaga oo ku sugayay falkaasi saraakiisha ciidamada dowladda ee uu la doonayay inuu qaraxa ku dhifto.

Gaariga uu waday ayaa ku dhiftay gaari Dadweyne ay saarnaayeen oo Homey ahaa, kaasi oo kusii jeeday duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ka degtay dhamaan rakaabkii gaariga saarnaa.

Markii shilka uu la galay gaariga ayaa wuxuu sheegay in uu isaga xalin doono, isagoo ku dooday in isaga laga gardarnaa, wuxuuna diiday muddo daqiiqado ah in shilka iyo waxyeelada ka dhalatay lagu xaliyaa Garaash oo gaadiidka la sameeyaa.

Waxaa uu dalbaday in loo yeero milkiilaha lahaa gaariga Homey-da ah iyo dad garaashley ah si marka hore xal loo gaaraa, balse isaga ujeedadiisa waxay aheyd inuu ku sugaa wafdiga oo u socday wasaarada gaashaandhiga.

Markii gaadiidkii wafdiga ay goobta marayeen ayuu gaarigii qarxiyay, balse calool xumo dadkii garta shilka gaari ku jiray iyo milkiilihii loo yeeray ayaa qaraxa lagu waayay oo loo malaynayaa inay ku dhinteen.

Waa dhacdo xanuun badan oo ilaa iyo hadda aad loo hadal Hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com