Maxaa la gudboon Madaxweyne Farmaajo marka uu bari booqanayo Itoobiya ?

Waxaa Arbacada lagu wadaa inuu madaxwaynaha Somalia ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayaa uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Adis Abeba ee dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee madaxwaynaha cusub usoo dirtay casuumad rasmi ah, balse waxaa muuqata inuu madaxwaynuhu ku hormaray dalal kale, isagoo markan u arkay waqtiga ku habboon, Itoobiyana u diray farriin ah in ay jirto Somalia oo ah dal qaan gaar ah oo leh siyaasad ay u madax bannaan tahay.

MAXAAN KU TALIN LAHAA IN ITOOBIYA LAGALA HADLO?

1 – Madaxwaynuhu ha iska ilaaliyo in loo arko nin cadow ku ah dalalka deriska ah ilaa iyo inta ay iyagu qaadayaan tillaabada 1-aad, waayo siyaasad is maqiiq ihi meelna nama gaynayso, waana qabaa inuu madaxwaynuhu middaa dareensan yahay, waxaa intaa dheer, Soomaalida lafteeda oo iyadu cadow ku ah daneheeda, sidaa darteed, dad baa yool siyaasadeed ka dooni kara is fahmi waa dhexmara dowladda cusub iyo dalalka deriska ah.

2 – Waxaan soo jeedin lahaa in Itoobiya loola hadlo si deggan oo uu taxaddar badani ka muuqdo, iyadoo maanka lagu hayo booska aan maanta taagannahay iyadoon dhulka la is dhigaynna loo sheego waxa aan ogol nahay iyo waxa aan diiddannahay, iyadoo la adeegsanayo istaraatijiyaddii ‘’Sidee xeego lagu xagtaa, ilkana ku nabad galaan’’.

3 – Waa in Itoobiya loo sheegaa in qaabka ay Somalia ula macaamilayso ay tahay si aan noo CUNTAMIN, isla markaana aysan xitaa iyadu waxba ka faa’iidi doonin, waayo waxaa jirta murti Soomaaliyeed oo tiraahda: ‘’Geeridii galbeed laga sheego gondahaaga ka eeg’’ oo dhibaatooyinka iyo kala qaybinta ay Somalia la daba socoto – waloow eedda badankeed ay Soomaalidu leedahay – iyada ayaa uga cawa leh maaddaama ay tahay qobtol isku kakaban oo ay xilli kasta iyaga ka dhex tafan karto, si ka duwan Somalia oo ah umad isku tol ah oo ay kaliya taladu ka wareertay, sidaa daraadeed, Soomaalidu waa umad taqaanna col iyo nabade waa inay ka daayaan DOCWAREENKA, FOOWDADA SIYAASIGA AH, HUBKA AY KUSOO DAABULAYSO DALKA, CIIDAMADA AAN AMISOM KA TIRSANAYN EE MAALINBA MEEL QABSANAYA EE MISNA KA BAXAYA si qalalaase amaan iyo mid siyaasadeed loo abuuro.

4 – Waa in lagala hadlaa fara gelinta qaawan ee ay ku hayso siyaasadda Somalia, sida maamul-goboleedyada ay u yeerayso, taasoo ay ku wiiqayso inay Somalia yeelato nidaam is raacsan oo dalka horay u wada, iyo sidoo kale Gabre oo dhex booda arrimaha Somalia isagoo ku gabbanaya xayndaabka iyo xasaanadda diblomaasiyadeed ee IGAD, balse howlo Itoobiya leedahay Meesha u jooga.

5 – In lagala hadlo ciidamada hoos taga dowlad degaanka Soomaalida ee loo yaqaanno Liyu Police oo dhibaatooyin badan u gaysta raacatada Soomaaliyeed ee ku dherersan xudduud beenaadka, taasoo ay wax uga qaban karaan qaab federaal, iyadoo ay Soomaali badani aaminsan tahay inuusan maamulkaasi samayn karin wax aanay raalli ka ahayn dowladda dhexe ee Adis Abeba.

6 – In Somalia ay Itoobiya u waddacdo wanaag iyo iskaashi, iyadoo colaadda lagu bedelayo inay labada dal kala faa’idaystaan oo iska kaashadaan dhanka dhaqaalaha iyo amaanka, tusaale waxaa looga dhigi karaa dalalka Yurub ee sanadaha badan is dili jirey sida ay maanta isu kaashadaan, iyadoo ay qolo kastaahi leedahay wax ay u baahan tahay qolada kale, tusaale ahaan, Somalia waxay leedahay badda ugu dheer Afrika, halka ay Itoobiya bad la’aan tahay, sidoo kale Somalia waxay leedahay unug muhim ah oo ganacsi kuwaasoo ka faa’iidaysan kara suuqa ballaaran ee Itoobiya,

sidaa darteed waa in Itoobiya loo sheegaa in bog cusub la rogo, taasoo ay iyadu gacan wayn ka gaysan karto is aaminaadda iyo iskaashiga labada dal.

Waa in Itoobiya la xusuusiyaa inay Soomaalidu tahay umad colaad iyo nabadba taqaanna, lkn Itoobiya ay isku qaseeyso colaad iyo nabad iyo inay Itoobiya Soomaaliya abaal gashan karto xilliga ay u baahan tahay gacanta, taasoo gacan ka gaysan karta in laga heshiiyo cadaawadda labada dhinac, Soomaalidu waxay ku mahmaahdaa: ‘’Libaax nin ganay iyo galladayba og’’.

7 – Ugu dambayntii waa inay Somalia muujisaa bisayl iyo fiirsi badan oo uu madaxwaynuhu ka taxaddaraa wax kasta oo ay Itoobiya kaligeed ku danaysanayso iyo siyaasad aan kala caddeeyn oo siyaabo kala duwan u fasirmi karta ama ay siro ku jiraan, isagoo dhanka kale iska ilaalinaya inuu kubad dhagax laga fursan karo la ciyaaro Itoobiya oo waqti xaadirkan fooska naga xigta, loona baahan yahay in xikmad diblomaasiyadeed looga soo dhiciyo wixii ay ku jiraan danaha qoowmiga ah ee Somalia oo u baahan in geed dheer iyo mid gaabanba loo fuulo, iyadoo dunida laga dhaadhicinayo inay Somalia doonayso inay hormariso dalkeeda iyo dadkeeda wixii deriska kala dhexeeyana laga wada hadli doono waqtiga ku habboon, lkn aanay Soomaaliyada cusubi wax dan ah ka lahayn dagaal dambe oo ay la gasho dalalka deriska ah, balse sidoo kale, aysan raalli ka noqon doonin in la fara geliyo madax bannaanideeda geyi iyo arrimeheeda gudaha, taasoo ay tahay inay bedelaan dalalka deriska ihi.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET