Maxaa laga bartay khudbadii uu Xoosh Jabriil u jeediyey BF ee uu cafiska ku dalbaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta cafiyey wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil kadib markii maalmahan ay wasiirka ku dheganaayeen qaar kamid ah xildhibaannada golahaasi.

Wasiirka oo maanta hortagay xildhibaannada golaha shacabka ayaa ka cudurdaartay qoraal uu dhowaan ku baahiyey bartiisa Twitterka, isaga oo sheegay iney tahay qalad uu galay, kana raaligelinayo xildhibaannada.

Waxa uu wasiir Xoosh balanqaaday inuu xoojinayo xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka, xilli walbo oo loo yaarana uu imaan doono.

“Hadaan ogaan lahaa inuu heerkaas na gaarsiinayo masoo qori lahayn runti, wax xumaan ah oo qof ugala jeedayna ma jirin, waxaan rabaa inaan idiin sheego aniga waxaan u haystaa in baarlamaanku yahay hay’adda aasaasiga u ah hay’adaha kale ee dowliga ah” ayuu yiri Xoosh Jabriil.

Haddaba Khudbadii uu Xoosh Jabriil u jeediyey Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa laga bartay inuu Wasiir xoosh Jabriil yahay nin aqoon yahan ah isla markaasna diyaar u ah inuu ku dhaqmo Dastuurka Dalka, iyo sidoo kale inuu yahay nin is bixin maro markii siriq loo dhigo.

Dadka aadka u falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay hadalka Wasiir Xoosh inuu ahaa hadal laga fiirsaday isla markaasna uu kamid yahay hadalada ay dadka aqoonta leh isku difaacaan markasta oo ay soo wajahdo xaalad siyaasadeed oo halis ku ah xil ama ujeedooyin kale.

Xoosh Jabriil ayaa qaboojiyey laabta Xildhibaanadii Dowladda Soomaaliya ka tirsanaa ee markii hore doonayey inay xilkiisa qalqal galiyaan, waxaana lama filaan ku noqotay inuu sidaan u hadlo Wasiir Xoosh Jabriil.

Xiisada u dhaxeysay Xildhibaanada iyo Wasiir Xoosh ayaa socotay muddo badan, waxayna Baarlamaanka go’aan ku gaareyn in laga fiirsado xilkiisa, inkastoo maanta uu isbadal weyn ku imaaday go’aankaas markii uu muujiyey dabacsanaan siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com