Dhageyso: Mahad Salaad oo wasiiro kale u hanjabay kadib markii uu fakaday Xoosh Jabriil

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhiban Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah baarlamanka Soomaaliya, ayaa sheegay in golaha wasiirada ay ula xisaabtami doonaan sidii ay ula xisaabtameen Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ah wsiirka wasaarada dastuurka xukuumada Soomaaliya.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii xildhibaannada golaha shacabka ay maanta cafiyeen wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil kadib markii maalmahan ay wasiirka ku dheganaayeen qaar kamid ah xildhibaannada golahaasi.

Wasiirka oo maanta hortagay xildhibaannada golaha shacabka ayaa ka cudurdaartay qoraal uu dhowaan ku baahiyey bartiisa Twitterka, isaga oo sheegay iney tahay qalad uu galay, kana raaligelinayo xildhibaannada.

Mahad Salaad oo ka hadlay kulankii baarlamanka ayaa sheegay in hadalka ama sida uu u dhigay qaladka uu galay Xoosh Jabriil uu ahaa mid fudud, balse baarlamanka ay doonayeen inay farriin cad u diraan wasiirada kusoo xadgudbaya xildhibaanada, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale qirtay inuu ka mid ahaa xildhibaanada gadaal ka riixayey mooshinkii ka dhanka ahaa Xoosh Jabriil ee uu ka fakaday.

Mahad Salaad ayaa ka mid ah xildhibaanada ugu hadalka kulul, uguna mucaaradsan xukuumadda Kheyre uu hoggaamiyo.

Hoos ka dhageyso hadalkii Mahad Salaad ee maanta

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com