‘Taageerada Itoobiya waxba uma tari doonto’ maamul goboleedyada Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ayadoo muddooyinkii dambeeyey ay isa soo tarayeen madaxda maamul goboleedyada ee u safraya Itoobiya, gaar ahaan magaalada Addis Ababa ayaa waxaa arrintaasi ka dhashay walaac xoogan iyo hadal heyn ku aadan xiriirka Itoobiya iyo maamul goboleedyada qaar oo ku dhawaaqay iskaashi la xiriira amniga xuduuda.

Aqoonyahaan Axmednuur Aadan oo bartay maamulka dowliga ah ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka Itoobiya & qaar ka mida maamul goboleedyada dalka uusan waxba soo kordhineyn, wuxuuna xusay in tegistooda magaalada Addis Ababa aysan ku fadhin micno aad u weyn.

“Waxaan is leeyahay tegistooda macno weyn ma keeneyso dalkaan nidaam ayuu leeyahay  Dastuuri ah laba Aqal oo xoog badan ayaa innoo dhisan oo madaxweynihii doortay, marka waxaan is leeyahay waqti uunbey iska luminayaane maamul goboleedyadu waxa xuduuda dhaafsan shaqo kuma lahan, si ufishal ahna heshiis uma geli karaan” ayuu yiri Axmednuur.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tahay inuu shaqeeyo sirdoonka Soomaaliyeed, si wax looga qabto amniga dalka iyo kan xuduudaha, loona ilaaliyo qaranimada dalkeenna.

“Dowladda Itoobiya cilaaqaad ayaa naga dhexeeyo waa sax sirdoonka inuu shaqeeyo oo amnigeena shaqeeyo waa nalaga rabaa, laakiin iyadana si bareer ah oo cad maamul goboleedyadii marti-qaad uma aysan sameyn, qaabilaadda wixii hooseeyana illaa dowladdeena ka adkaato waa wax dhici kara,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Axmednuur Aadan ayaa sidoo kale tilmaamay in shaqada kaliya ee u taallo maamul goboleedyada dalka ay tahay deegaannadooda, isla-markaana wax kasta oo ka baxsan xuduudaha wadanka ay shaqo ku leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Maamullada federaalka ka midka ah shaqada ugu muhiimsan oo laga rabo waa deegaannadooda inay ka shaqeeyan. Wax xuduuda ka baxsan waa shaqadii ay laheyd dowladda federaalka ah,” ayuu markale wareysigaan ku yiri Aqoonyahan Axmed Nuur.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan uu madaxweyne Koonfur Galbeed booqasho ku joogo dalka Itoobiya, kadib markii diyaarad milatari looga qaaday magaalada Baydhabo, waxayna arrintan lagu macneeyey in Addis Ababa ay dooneyso inay iskaashi la yeelato maamul goboleedyada,ayada oo la xifaaltameyso dowladda federaalka Soomaaliya.