Maxaa laga filayaa kiiska badda Soomaaliya ee maxkamadda ICJ?

Maxkamada Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maalinta Khamiista ah ee 2da Feberaayo go’aan ka gaareysa dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Haddaba maxaa laga filan karaa inuu go’aanku noqdo?

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dacwada u gudbisay Maxkamada Caalamiga ah ka dib markii ay Kenya bilowday shidaal qodid oo shirkado ajaanib ah ay si xowli ah u wadeen soo saarista shidaalka. Dowladda Soomaaliya ayaa u aragtay falkan xadgudub lagu sameeyey dhul badeedka Soomaaliyeed. Dowladdu markii ay isku dayday inay kala hadasho Kenya ayaa cagajiid fara badan lagu sameeyey, iyadoo Kenya ay leedahay waxaan kala saxiixanay MOU sidaas daraadeed waa inaan si saaxiibtinimo ah uga wada hadalnaa. Ka dib dhowr jeer oo Kenya ay ka meermeersatay ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa go’aansaday in Qareeno caalami iyo Soomaali ah la howlgaliyo. Talooyinkii ay soo jeediyeen ayaa ahaa in sida kaliya ee lagu joojin karo Shirkadaha shidaalka qodaya ay tahay in Maxkamad caalami ah dacwada loo gudbiyo, bacdamaa ay Kenya marmarsiyo ka dhiganeysay MOU la saxiixay 2009kii.

Markii Dowladda ay gudbisay dacwada ayaa Kenya isla markiiba waxey soo gudbiyeen cabasho ah in Maxkamada Caalamiga aysan qaadi karin dacwad bacdamaa Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen Heshiis is-afgarad ah (MOU) 2009 kii. Maxkamada Caalamiga ayaa waxey qaaday dacwada ah in Maxkamada ay guda geli karto arrinka oo ah sida ay Soomaaliya rabto iyo in aysan Maxkamadu dacwadan geli karin oo ah sida ay Kenya ku andacooneyso oo ay leedahay Heshiis hore baan wada galnay (MOU). Sidaas daraadeed, Khamiista 2da Feberaayo waxey maxkamada go’aamineysaa in dacwada ay qaadi karto oo ah sida ay Soomaaliya rabto iyo inaysan dacwada qaaadi karin oo ay tahay in labada dal ay ku soo heshiiyaan bacdamaa ay horey u kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah (MOU).

Haddii ay Soomaaliya guuleysato waxaa muuqaneysa in Dowladda Soomaaliya ay soo ceshatay Xaq Soomaaliyeed oo ku lumay MOU lala saxiixday Kenya dartiis oo ah waxa ay Kenya ku dacwooneyso ahna awooda keentay in Shirkado ajaanib ah ay bilaabaan shidaal baaris. Tan oo keeneysa in Dowladdu ay talaabo muhiim ah qaaday oo ah in shirkadaha joojiyaan howlaha ay u wadaan Kenya.

Haddii Soomaaliya laga guuleysto oo Kenya loo oggolaado in arrinkan ay labada dal fuliyaan heshiiskii is-afgaradka ahaa (MOU) waxey ka dhigan tahay in Kenya ay heshay waxii ay dooneysay oo qaadan karta mudo dheer in dacwad la galo, keeni kartana in Shirkadaha ay sii wadaan shidaal baaristooda.

Si kastaba waxaa muuqaneysa in Soomaaliya ay tallaabo fiican qaaday oo keentay in shirkadaha shidaalka ay fahmaan dacwada dooda iyo in Soomaaliya ay u soo jeesatay u istaagida xaqeeda.

W/Q: Kamaal Guuleed Axmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com