27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Maxaa loo aasi la’yahay gabadhii lagu dilay Gaalkacyo?

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka taagan xiisad xooggan oo salka ku haysa dilka gabadh 14 jir ahayd oo dhawaan lagu dilay magaaladasi.

Magaalada ayaa waxaa haatan ka socda banaanbaxyo loogu dirayo baaqyo caddaaladeed oo la xiriira kiiska gabadhan yar oo lagu magacaabi jiray Sabriin Saylaan Cabdullaahi.

Sabriin ayaa sida la sheegay waxaa si xun loogu dhex dilay guriga qoys ay qaraabo yihiin oo ay la noolayd. Dhaqaatiirta Isbitaalka Gaalkacyo oo baaris ku sameeyay meydkeeda ayaa xaqiijiyay in Sabriin, oo ahayd rajo iyo agoon ay jirkeeda ka muuqdeen dhaawacyo iyo jirdil badan.

Dhawaacyadan laga helay jirka gabadhaan ayaa iskugu jira kuwoo hore u bogsaday iyo kuwo cusub, sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

Booliska ayaa dhawaan kiiskaan u soo xiray haweeneyda guriga iyo seygeeda. Meydka Sabriin ayaa galay maalintii shanaad ee uu ku jiro qolka meydka, iyadoo weli aan la aasin.

Haweenka gobolka Mudug oo ah kuwa banaanbaxyada dhigaya ayaa si cad u diiday in la aaso, ilaa ay xaqiijiyaan in caddaalad buuxda la helo.

“Ma ogolaan doonno in Sabriin la aaso iyadoo aan caddaalad la helin, go’aankeenuna waa mid adag,” ayay tiri Xaawa, inta lagu guda jiray isu soo bax ay dhigeen haweenka magaalada.

Booliska gobolka Mudug ayaa dhankooda sheegay in baaritaanno ballaaran socdaan, isla markaana labo qof loo soo xiray dhacdadan. Taliska ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah eedeysanayaasha uu qirtay, lana horgeeyay maxkamadda.

Sidoo kale, taliska ayaa caddeeyay in qof kasta oo arrintan ku lug yeeshay la horgeyn doono caddaaladda, xilli weli baaritaannadu socdaan.

Si kastaba, lama oga si dhab ah ujeeddada dilka ama cidda kale ee lala xiriirinayo, waxaana sii kordhaya cadaadiska bulshada iyo baaqyada caddaaladeed, iyadoo weli aaska meydka gabadha uu mugdi ku jira, maadaama haweenka dhigaya dibadbaxa ay dalbadanayaan in caddaalad buuxda la helo.

- Advertisement -

Read more

Local News