Maxaa loo fasiran karaa tallaabadii yaabka leh ee uu qaaday Axmed Karaash?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynah maamulkaas, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo xalay saqdii dhexe soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in mas’uuliyadda maamulkaasi uu la wareegay, maaddaama uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka maqan yahay Puntland.

Arrintaan ayuu Karaash u daliishaday qodobo Dastuuri ah isaga oo sheegay in aanu dhici karin firaaq Dastuuri ah,maaddama xilli adag oo dhibaatooyin is biirsaday ay jiraan lagu jiro.

Maxaa loo fasiran karaa hadalka madaxweyne ku xigeenka?

Siyaasiga Cali Xaaji Warsame oo dhowr jeer wasiir ka soo noqday maamulka Puntland oo la hadlay BBC ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka uusan ka hadlin wax aan dastuuri ahayn, ee uu soo xigtay qodobka 81 oo sida uu sheegay caddeynaya in madaxweyne ku xigeenku uu xilka dowladda wadayo haddii madaxweynaha uu xilkiisa si ku meel gaar ah u gudan waayo.

“Aniga waxay iila muuqataa inay tahay wax uu xaq u lahaa awalba inuu wado shaqada dowladda Puntland, maaddaama uu madaxweyne Deni hadda isku sharraxay xilka dowladda federaalka Soomaaliya, uuna ka mashquulay shaqadii caadiga ahayd in uusan wadin, Puntland waa dhul ballaaran duruufo aad u badan ayayna leedahay, madaxweynaha kama wadi karo halkaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inuusan xaalku ahayn sida ay dadka qaar u fasireen ee ah in inqilaab uu ka dhacay Puntland oo xilka uu la wareegay madaxweyne ku xigeenka Puntalnd. Wuxuu intaas ku daray in aan la ogeyn waxa haatan ku soo beegay hadalka madaxweyne ku xigeenka, maaddaama horeba ay u dhici jirtay in Deni uu ka maqnaado Puntland, sidaasna uu xilka u sii hayo madaxweyne ku xigeenka.

Arrintan oo kale ayuu sheegay inay hore u dhacday xilligii uu madaxweynaha ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, markii uu isu soo sharraxayay xilka madaxtinnimada Soomaaliya, waxaana xilligaas madxaweyne ku xigeen ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi.

“Howsha dowladda isaga ayaa waday, ilaa xad wasiirrada qaarkood uu shaqada ka qaaday, oo qaar kale uu ku beddelay qaar kalena uu meel kale geeyay oo dalka shaqadiisu si toos ah ayay u socotay.” Ayuu yiri siyaasi Cali Xaaji Warsame.

Si kastaba, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni illaa haatan kama hadal tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenkiisa.