27.8 C
Mogadishu
Friday, April 24, 2026

RW Xamza iyo Jubaland oo si kulul iskugu jawaabay – Maxaa la isku qabtay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiritaanka garoonka diyaaradaha Doolow ayaa haatan xiisad cusub ka dhex abuuray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubaland, kadib markii uu maanta Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu sheegay in dowladda aysan xirin garoonkaas.

Garoonka diyaaradaha Doolow ee gobolka Gedo ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in dowladda aysan wax xayiraad ah saarin garoonkaas oo muddo badan xiran.

Xamza oo hadalkan ka jeediyay munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in dhawaan dib loo furi doono si ay u sahlanaato isu socodka dadka.

“Dowladda Federaalka ah uma xirna garoonka diyaaradaha degmada Doolow, waxaa jira dad doonaya inay ka safraan, waxaan rajeyneynaa in la furo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadalka Xamza ayaa markiiba waxaa ka dhashay falcelin kala duwan, iyadoo Jubaland ay si kulul uga jawaabtay sheegashada Dowladda Federaalka, taas oo ay ku tilmaamtay “waxba kama jiraan ah”.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar ayaa ku tilmaamay hadalka ra’iisul wasaaraha “nasiib-darro weyn,” isagoo sheegay in uusan ka tarjumayn xaaladda dhabta ah ee ka jirta garoonka Doolow.

Wasiirka ayaa sheegay in garoonka uu muddo ka badan hal sano u xirnaa Dowladda Federaalka, taas oo uu sheegay inay saameyn toos ah ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo adeegyada muhiimka ah.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Jubaland ay marar badan ka digtay saameynta ka dhalaneysa xirnaanshaha garoonka, gaar ahaan dhinacyada isu socodka, ganacsiga iyo adeegyada bulshada, isla markaana ay si joogto ah ugu baaqayeen in dib loo furo.

“Arrintan waxay muujinaysaa dayacaad cad iyo ka fogaansho masuuliyadeed oo ka timid Dowladda Federaalka,” ayuu yiri wasiirka, isagoo su’aal ka keenay cidda dhab ahaan masuulka ka ah xirnaanshaha garoonka.

Si kastaba, Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ayaa xiran muddo sanad ka badan, kadib khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Jubaland, iyadoo weli aan la helin xal rasmi ah oo lagu furayo, inkastoo dowladda dhexe ay muujinayso rajo ah inuu dib u shaqo bilaabo garoonka.

- Advertisement -

Read more

Local News