27.6 C
Mogadishu
Friday, April 24, 2026

Mareykanka oo gargaar dhaqaale u fidinaya Imaaraadka oo wajahaya xaalad adag

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa Arbacadii sheegay inuu taageersan yahay qorshe taageero dhaqaale oo qaab is-dhaafsi lacageed ah (currency swap) lagu siinayo Imaaraadka Carabta.

Tallaabadan ayaa la doonayaa in lagu gacan-qabto dalkan qaniga ku ah shidaalka ee xulafada la ah Washington, kaas oo haatan la tacaalaya dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay dagaalka Iiraan.

Isagoo ka hadlayay dhageysi ka dhacay Aqalka Senate-ka Mareykanka, ayuu Bessent xusay in Imaaraadka, iyo dalal kale oo ku yaalla Khaliijka iyo Aasiya, ay codsadeen suurta-galnimada in is-dhaafsi lacageed lala sameeyo. Wuxuu tilmaamay in qorshahani uu ka hortagayo in dalalkani ay si fowdo ah u iibiyaan hantida ay ku leeyihiin Mareykanka, xilli ay raadinayaan waddooyin ay ku helaan lacagta dollar-ka.

Dagaalka Iiraan ayaa burbur baaxad leh gaarsiiyay kaabayaasha shidaalka iyo gaaska ee guud ahaan Bariga Dhexe, arrintaas oo dhabar-jab weyn ku noqotay dhaqaalaha dalalka sida Imaaraadka oo si weyn ugu tiirsan marin-biyoodka Hormuz si ay shidaalka ceyriin ugu daabulaan suuqyada caalamka.

Xoghayaha Maaliyadda ayaa sharraxay in is-dhaafsiga lacagaha ee lala sameynayo Imaaraadka ay sidoo kale dani ugu jirto Mareykanka, maadaama uu xasilinayo suuqyada sarifka lacagaha qalaad, uuna ilaalinayo hantida Mareykanka ee daafaha caalamka.

Wuxuu intaas raaciyay in taageeradan uu bixin karo Bankiga Dhexe ee Mareykanka (Federal Reserve Bank) ama Wasaaradda Maaliyadda qudheeda, taas oo adeegsan karta Sanduuqeeda Xasilinta Sarifka (Exchange Stabilization Fund) si ay u iibsato lacagta waddan kale.

“Khadadka is-dhaafsiga, ha ahaadaan kuwa ka yimaada Federal Reserve ama Wasaaradda Maaliyadda, ujeeddadoodu waa in nidaamka loo ilaaliyo suuqyada maalgelinta doolarka iyo in laga hortago in hantida Mareykanka loo iibiyo si nidaamka ka baxsan,” ayuu yiri Mr. Bessent, isagoo carabka ku adkeeyay in is-dhaafsigaasi uu faa’iido wadajir ah u leeyahay Imaaraadka iyo Mareykanka.

Farsamo ahaan, nidaamkan is-dhaafsiga ayaa ka dhigan in dowladda Mareykanku ay iibsato lacagta Imaaraadka ee Dirham-ka, si dalkaas uu u helo dollar badan oo uu ku maareeyo isdhaafsiga ganacsiga iibka shidaalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Senator Chris Van Hollen, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga lagana soo doorto gobolka Maryland, ayaa su’aal geliyay sababta taageero dhaqaale loo siinayo Imaaraadka, isagoo farta ku fiiqay in Madaxweyne Donald Trump iyo qoyskiisu ay xiriir maaliyadeed iyo mid ganacsi oo shakhsi ah la leeyihiin dalkaas.

Maamulka Trump ayaa wajaha dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan kharashka baaxadda leh ee ku baxaya dagaalka Iiraan, kaas oo dad badani ay u arkaan inuu yahay mid aan loo baahnayn.

“Dagaalka Iiraan wuxuu durba inagu noqday mid qaali ah oo khasaare weyn inagu keenay,” ayuu yiri Mr. Van Hollen. “Aragtideyda, wuxuu ahaa khalad aad u weyn, wuxuu inaga dhigay kuwo amnigeedu hooseeyo, xaaladdana aad ayuu uga sii daray.”

Xoghaye Bessent ma uusan magacaabin dalalka kale ee iyaguna soo dalbaday taageeradan maaliyadeed.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sanadkii hore adeegsatay is-dhaafsi lacageed oo gaaraya 20 bilyan oo doolar oo ay soo marsisay Sanduuqa Xasilinta Sarifka, si ay gacan u siiso dhaqaalaha dalka Argentine oo la daalaa-dhacayay xasarado. Tallaabadaas ayaa ujeedkeedu ahaa in lagu xoojiyo rajada siyaasadeed ee madaxweynaha dalkaas, Javier Milei.

Bessent ayaa awood buuxda u leh go’aan ka gaarista isticmaalka sanduuqan, kaas oo hantida saafiga ah ee ku jirta ay gaaraysay ilaa 44 bilyan oo dollar bishii Febraayo.

Wali ma cadda baaxadda taageerada uu Imaaraadku u baahan yahay, ama xitaa inuu dhab ahaan gargaar noocaas ah u baahan yahay iyo in kale.

Lacagta Imaaraadka ee Dirham-ka ayaa qiimaheedu si toos ah ugu xiran yahay dollarka Mareykanka, waxaana Bankiga Dhexe ee dalkaas uu weli haystaa kayd lacageed oo aad u weyn, inkasta oo ay jirto carqaladeynta dhoofinta shidaalka ee ka dhalatay dagaalka gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News