Madrid (Caasimada Online) – Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay badda u dhexeysa dalalka Spain iyo Algeria, kadib markii ay qalibantay doon ay la socdeen xilli ay isku dayayeen inay si tahriib ah ku galaan qaaradda Yurub.
Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradan oo tiradoodu gaareysay 17 ruux ay wajahayeen xaalad adag oo badda ah, taas oo ugu dambeyn sababtay in doontii ay saarnaayeen ay roganto.
Dadka geeriyooday ayaa la xaqiijiyay inay isugu jiraan 5 gabdhood iyo 12 wiil, kuwaas oo dhammaantood ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo rajo ka qabay inay nolol ka helaan dibadda.
Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ee Algeria ayaa sheegay in uu markii dambe la xiriiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Algeria, taas oo u xaqiijisay in koox muhaajiriin Afrikaan ah ay ku dhinteen gobol xeebeed qiyaastii 100 kiiloomitir (60 mayl) dhanka galbeed kaga beegan caasimadda Algiers.
Danjire Yuusuf ayaa sheegay inuu saacadihii hore ee Khamiista u safray magaalada Bou Ismail ee dalka Algeria, isagoo halkaas gaaray abaare 6-dii subaxnimo. “Waxaan booqday laba isbitaal oo ku yaalla gobolka, halkaas oo aan ku soo arkay meydadka,” ayuu sii raaciyay.
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Algeria ayaa muddooyinkii dambe wadday dadaallo joogto ah oo lagu xakameynayo tahriibka, isla markaana lagu wacyigelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed.
Safaaraddu waxay xustay in dadaalladaas ay qeyb weyn ka qaateen hoos u dhigidda tirada dhimashada, inkastoo dhacdadan cusub ay dib u muujisay halista wali jirta.
Dhacdadan murugada leh ayaa mar kale iftiimisay khatarta weyn ee ku xeeran safarrada tahriibka, gaar ahaan kuwa loo maro badda oo inta badan sababa dhimasho iyo musiibooyin bani’aadamnimo.
Marinka u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo dalka Spain ayaa ah mid ka mid ah jidadka inta badan ay adeegsadaan muhaajiriinta isku dayaya inay galaan qaaradda Yurub, safarkaas oo inta badan loo adeegsado doonyo la saaray rarkii loogu talagalay mid ka badan oo aan u qalmin inay bad maraan.
Shilalka doonyaha ayaa si joogto ah uga dhaca marinnadan, gaar ahaan aagga galbeedka Badda Mediterranean iyo marinnada Badweynta Atlantic-ga, halkaas oo sanad walba kumannaan tahriibayaal ah ay naftooda halis u geliyaan si ay uga baxsadaan colaado, saboolnimo iyo dhibaatooyin la xiriira isbeddelka cimilada.
Muhaajiriinta Soomaalida ayaa ka mid ah dadka si isa soo taraysa ugu dhiirrada safarradan khatarta ah, iyagoo ka cararaya amni-darrada, fursadaha dhaqaale oo kooban iyo xaaladaha abaaraha ee muddada dheer ragaadiyay dalkooda hooyo.
Ilaa iyo hadda, mas’uuliyiinta dowladda Algeria ma aysan soo saarin faahfaahin buuxda oo ku saabsan masiibadan ugu dambeysay, oo ay ku jiraan tirada guud ee rakaabka saarnaa doonta ama qaabka rasmiga ah ee ay doontu ku degtay.
Si kastaba, waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la shaaciyo magacyada iyo sawirrada qaar ka mid ah dadka geeriyooday, kadib markii xogta la gaarsiiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn uga naxday bulshada Soomaaliyeed, iyadoo mar kale la is weydiinayo sida xal waara loogu heli karo tahriibka halista badan.

