Maxaa looga baahnaa dadka reer LAASCAANOOD, kadib tallaabadii SOMALILAND?

Muqdisho  (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa si adag uga hadashay dhacdadii Laascaanood, kadib markii ay Somaliland magaaladaasi kasoo masaafurisay dad ka soo jeeda koonfurta.

Fowsiya ayaa marka hore si kulul u cambaareysay tallaabada ay qaadday Somaliland ee lagu soo daabulay dadkaasi, waxaana sheegtay in arrintan ay tahay qalad weyn oo dhacay.

Sidoo kale Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaadday in shacabka ku dhaqan magaalada Laacsaanood looga baahnaa in aysan ogolaan tallaabadaasi, isla-markaana ay aheyd in ay is hortaag ku sameeyaan gawaarida lagu soo qaaday dadkaasi shacabka ah.

“Waxaan ku cambaareynayaa sida ugu adag waa qalad weyn oo dhacay aniga ila ma’aha in Ummadda Somaliland oo dhami inay waxaan raalli ku yihiin. Waxayse aheyd in shacbiga reer Laascaanood ay is hortaagaan baabuurtaasi oo aanay ogolaanin,” ayey tiri Fowsiya

Waxa kale oo ay intaasi ku sii dartay in dhacdadan ay tahay mid xanuun badan, isla-markaana ay bar madow ku noqon doono taariikhda Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waa dhacdo xanuun leh oo bar madow ku noqon doonto taariikhda Soomaaliyeed. Weli lama arag waxaan oo kale waxa ay ku dhacdo,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Ugu dambeyn Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ugu baaqday madaxda Somaliland inay dadka lasoo masaafuriyey u ogolaadaan inay ku noqdaan Laascaanood, si ay ugu yaraan uga soo qaataan hantidooda, ugana soo rartaan wixii alaab ah ee ka yaalla magaaladaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dadkii ugu badnaa oo ka soo jeeda koonfurta ay Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood, kuwaas oo gaaray deegaanada Puntland.