Maxaa looga hadlay kulanka dhexmaray Kheyre iyo taliyayaasha AMISOM?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay kullan khaasa oo uu la qaatay Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in Taliyayaasha iyo Saraakiisha uu kala hadlay sida leysugu furi lahaa Wadooyinka xiran ee ku yaalla gobolada dalka.

Kheyre waxa uu sheegay in ahmiyada DFS ay tahay in dhammaan shacabka Muqdisho iyo Gobolada ay isku gudbi karaan, waxa uuna tilmaamay in AMISOM ay ka jawaabi doonto dalabka.

Kheyre waxa uu tilmaamay in dowlada Federaalka ay diyaarineyso ciidamada AMISOM kala wareegi lahaa waddooyinka ay isku furaan, waxa uuna rajo ka muujiyay hirgalinta amarka lagu furaayo waddooyinka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kulanka ay joogeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer sheegay in ay qaadi doonaan howlgallo lagu furaayo wadooyinka xiran.

Dhinaca kale, wadooyinka ugu badan ee go’doonka ku jira ayaa waxa ay ku yaalla degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com