Maxaa looga hadlay kulanka Xasan Sheekh iyo Joe Biden?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, kaasi oo casuumada martiqaadka uu lahaa dhigiisa Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweyne Joe Biden uga mahad-celiyay kaalinta uu ka qaadanayo la-dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dowladiisa ay xooga saareyso howl-galadaas.

“Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qayb-galay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha dowladda Mareykanka Mudane Joe Biden. Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada caqabada ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale madaxweyne Xasan ayaa xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina tilmaamay in kacdoonka shacab ee naf-hurnimada ah u baahan yahay garab istaag iyo taageero caalami ah, si looga adkaado cadowga oo xiligaan wajahaya duulaano dhowr dhinac ah.

May 2022 ayey aheyd markii uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden amar ku bixiyay in Soomaaliya dib loogu soo celiyo Ciidamada Ameerikaanka ah ee Janaayo 2021 ku baxay Amar kasoo baxay Madaxweynihii 45-aad ee dalkaas Donald Trump, si ay qeyb uga noqdaan howl-galka ka dhanka ah Al-Shabaab.