Fiqi oo shaaciyey CBB-da iyo saddexda koox ee diidan kacdoonka SHACABKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay jiraan saddex koox oo dacaayad ka faafineyso dagaalka iyo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka curtay qeybo kamid ah gobollada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa taageerayaasha kooxda madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inay taageerayaan kooxda Al-Shabaab si aan looga adkaan.

Fiqi ayaa illaa saddex koox oo ay ku jiraan taageerayaasha Farmaajo ee loo yaqaan CBB ku eedeeyey inay wadaan mari-habaabinta howlgallada ka dhanka ah argaixisada Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka taasina aan loo istaagi doonin

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in kooxaha shakiga ka qaba howgalka ee dacaayadaha ku wada ay kala yihiin:

1- Kooxda 1-aad: Waa argagixisada nafteeda, ayuu yiri, isaga oo sheegay in Cali Dheere oo ah afhayeenka Al-Shabaab uu dadka uu ceelashooda ka qarxiyey ee uu masaajidda ku weerarray markii ay hubka qaateen ku tilmaamay ‘Mooryaan’.

2- Kooxda 2-aad: Waa kuwo ku fashilnay nidaamkii hore ee Farmaajo oo AL-Shabaab u ogolaaday inay dekedda canshuur ka qaataan oo dhagaxaanta dhufeesyada la rabay baadiyaha in ay ku sameystaan ku sameeyay waddada Maka Al-Mukarrama, Kooxdaas iyo CBB-deeda dacaayad ayey wadaan.

3- Kooxda 3-aad: waa koox deegaankoodu nabad yahay oo dhulal nabad ah ka yimid oo raba in ay gafane dadka ku dhex nool oo quuta dadkaan oo dhiiggooda jiqa.

Hadalka wasiir Fiqi ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay wado howlgalo qorsheysan oo lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab kaas oo uu hadda xoogiisa ka socda gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Hase yeeshee, dadaalladaas ayaa waxaa isku dayaya inay carqaladeeyaan dad ka cabsi qaba in haddii ay guuleystaan ay sare u qaadeyso sumcadda iyo hoggaanka wanaagsan ee uu muujiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Muddo ka yar shan bilood oo uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh, waxaa Al-Shabaab laga xorreeyey deegaano ka badan kuwa laga saaray shantii sano ee uu Farmaajo dalka maamulayey.