Shariif oo war kasoo saaray kacdoonka dalka ka billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ee ka socda dalka.

Shariif ayaa si weyn u bogaadiyay kacdoonka ay shacabka iskaga dhicinayaan argagixisada Al-Shabaab, oo dhibaato badan u geysatay shacabkeena Soomaaliyeed.

“Waxaa la joogaa xilliggii la cirib tiri lahaa argagixisada, waan bogaadinaayaa kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ay isaga xoraynayaan kooxda arxanlaawayaasha ah,” ayuu ku yiri Shariif Sheekh Axmed qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Shariif ayaa sidoo kale wuxuu ku baaqay in dhulka laga xoreeyo gacanta cadowga, si dhaqso ah looga hirgeliyo nidaamka dowladnimada.

Hadalka Shariif ayaa imanaya xili uu sii xoogeysanayo kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda.

Howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano tobannaan ah tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab horraantii bishan.