Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kulan dhowr saac qaatay ku yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Xildhibaan Cabdi xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa looga hadlaayay Doorashada Heerka Madxaweyne, Hanaanka ay ku socto is diiwaan galinta iyo Jadwalka Doorashada heerka Madaxweyne ee dhawaan lagu dhawaaqay.
Guddoomiye Cabdi xaashi iyo Jawaari, isla fahmay in qaabka ay ku socto doorashada ay tahay sida loo jideeyay waxa ayna tilmaameen inaan laga dib dhici doonin Jadwalka doorashada wax waliba oo dhaca.
Cabdi xaashi, ayaa sheegay in doorashada ay dhowr jeer dib u dhacday, hayeeshee aysan suuragal noqon doonin in waxlaga bedelo Jadwalka ay dajiyeen Guddiyada loo xilsaaray doorashada.
Jawaari, ayaa isna sheegay in Baarlamaanka Somalia aysan u cuntami doonin in wax laga bedelo Jadwalka, waxa uuna dhaliil ka muujiyay Xildhibaanada soo jeediyay in la dib dhigo doorashada, waxa uuna cadeeyay in wax amar ah uusan ka danbeyn doonin Jadwalka leysku afgartay.
Cabdi xaashi iyo Jawaari waxa ay si wada jir ah uga hor imaadeen in wax laga bedelo Jadwalka iyo muddo lagu darro diiwaangalinta Musharaxiinta oo ku eg maanta oo Axad ah.
Dhinaca kale, kulanka labada Mas’uul ayaa barbar socda kulan ay yeesheen Xildhibaano abaabulan oo dalbaday in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

