Warbixin: Go’aanka Trump oo sidoo kale saameynaya Soomaalida haysata Green Card

Washington DC (Caasimada Online) – Goo’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dalka uga mamnuucay dadka u dhashay toddoba dal oo Soomaaliya ay ku jirto, ayaa waxaa hadda soo baxay in saameyntiisa ay ka ballaarn tahay sida markii hore la mooday.

Amarka Trump oo uu xalay ku saxiixay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa waxaa hakad lagu geliyey dadka ka imanaya ka imanaya dalalka Soomaaliya, Iraq, Libya, Iran, Sudan, Syria iyo Yemen, illaa 90 maalmood.

Si kastaba, waxaa iminka soo baxday in sidoo kale uu amarkan saameynayo dadka haysta degenaanshaha Mareykanka ee Green Card-ka ee dalka ka maqnaa waqtigii Trump uu saxiixay amarka.

Waxaa tani uu macanheedu yahay, haddii aad tahay Soomaali, ama Ciraqi ama Irani degan Mareykanka, oo haysta Green Card kaliya oo aadan weli noqon muwaadin, islamarkaana aad iminka ku maqan tahay waddaan kale, inaadan kusoo laaban karin Mareykanka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in shirkadaha diyaaradaha ee dalalka dunida ay celinayaan dadka haysta green card-ka ee u dhashay toddobada dal ee la xusay, kadib markii amarkan la siiyey.

Si kastaba, ilo wareedyo ka tirsan aqalka cad ayaa sheegay inay jirto hab dadka haysta green card-ka ay kusoo laaban karaan, taasi oo ah inay buuxiyaan codsi ay ku dalabanayaan laga saamaxo go’aanka ama waxa Mareykanu u yaqaan Waiver Program.

Marka qofka codsigan uu buuxiyo ayaa waxaa codgiisa eegi doona waaxda amniga gudaha ee Homeland Security, kadibna go’aan ka gaari doonta, ayada oo markaa kadib loo ogolaan karo ama loo diidi karo inuu dalka kusoo laabto.

Dadka haysta Green Card-ka ayaa ah dad si sharci ah u degan Mareykanka, waxaana la filayaa in arrintan laga qeyliyo, ayna suurta gal tahay in maamulka Trump maxkamad lala koro.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com