Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kulankii ugu horeeyay yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Xildhibaan Cabdi C/lalahi Xaashi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Xaashi iyo Jawaari ayaa si hordhaca uga wadahadlay arrimaha Doorashooyinka, Guddiyada laga soo kala xulaayo labada Aqal ee qaabilsanaan doona Doorashada iyo Hanaanka lagu hirgalinaayo nidaamka Doorashada heerka Madaxweyne.
Labada Guddoomiye ayaa isla soo hadalqaaday mudada ay ku dhicikarto Doorashada Madaxweynaha, waxa ayna isla fahmeen in si degdeg ah gudaha Asbuucaani loo sameeyo guddiyada Doorashooyinka Heerka Madaxweyne ee laga soo kala xuli lahaa labada Aqal.
Guddoomiye Jawaari ayaa dhigiisa Xildhibaan Xaashi u sheegay in Wakhtiga uu yahay mid aad u yar isla markaana loo baahan yahay in la dadajiyo gudagalka Doorashada heerka Madaxweyne.
Sidoo kale, Guddoomiye Xaashi iyo Jawaari ayaa si wadajira ula kulmi doona Xildhibaanada Labada Aqal, oo laga soo dhex xuli doono Guddiga Doorashooyinka.
Dhinaca kale, waxaa suuragal ah in Doorashada heerka Madaxweyne ay ka dib dhacdo xiliga lagu ballamay, sida laga soo xigtay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

