26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Maxaa lumiyay saameyntii Axmed Qoor-Qoor, Lafta-Gareen iyo Cali Guudlaawe?

By Abdullahi Osman Farah
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasaddu waa mar lagaa adkaado oo aad badbaado doon tahay iyo mar aad adigu inta ilduuftida caqligaaga u dhiibaneysid cadowgaaga.

Soomaaliya waa dal federaal ah. Sababta loo qaatay hanaankan waa in aanay awooddu hal gacan gelin, lana helo awooddo heer gobol ah oo dheelitiri kara dowladda dhexe. Balse bartamihii bishii May ee sanadkaan, saddexda nin ee Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa caqligoodii siyaasiga ahaa iyo awoodoodii maamul ama go’aan waxay ku wareejiyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbigiisa.

Xubnahan keliya ma lumin isku dheelitirkii qaranka ee waxay kale oo iibsadeen saameyntoodii siyaasadda. Dalku hadda wuxuu ku jiraa xilli kala guur ah, waxaa socda dooddo siyaasadeed oo waaweyn oo taabanaya; doorashada, dastuurka, amniga iyo haykalka dowladnimada.

Waxaana haatan ay dooduhu dhex yaallaan Xasan Sheekh, mucaaradka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland. Mararka qaar waxaa hadal-haynta soo dhex gasha beesha caalamka, laakiin doodahan waaweyn ee maanta dalka yaalla kama maqleysid magacyada Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe.

Si buuxda ayay saddexdan nin uga baxeen doodaha masiiriga ah ee yaalla dalka, mana jirto cid u xayiran si wax loo weydiiyo ama awood meel u taalla oo ku dalban karaan inay tallada wax ku yeeshaan, maadaama ay isku dhiibeen Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxay ku gowracan yihiin wixii uu usoo qaado madaxweyne Xasan Sheekh faa’iido iyo khasaaro. Xitaa gudaha nidaamka Xasan Sheekh wax badan kama gooyaan.

Dhawaan, Cabdicasiis Lafta-gareen wuxuu isku dayay in Xasan Elaay laga qaado xilka wasiirka xanaanada xoolaha ee dowladda federaalka ah, waana ku guul-dareystay. Halka Axmed Qoor-Qoor uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in aan Mahad Salaad loo magacaabin xilka Taliyaha NISA, isagoo arrintaasi darteed madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza labadaba ugu tagay, laakiin waa waayay cid ka hoos qaada.

Isagoo rafanaya oo dagaalamaya ayaana Mahad Salaad markale loo magacaabay Taliyaha NISA. Itaal xumada ku dhacday saddexdan siyaasi iyo sida ay u lumiyeen awoodoodii maamul iyo saameyntoodii siyaasadeed ee shaqsiga aheyd ayaa dad badan oo ku jira siyaasadda waxay u noqon doonta cashir taban oo ay iska ilaaliyaan mustaqbalka.

- Advertisement -

Read more

Local News