Guriceel (Caasimada online) Sida wararka aan ku heleyno dagaal xoogan ayaa maanta wuxuu ka dhacay deegaan duleedka ka ah degmada Guriceel ee gobolka galgaduud ,kaas oo ay warar kala duwan kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay.
Dhaawaca laba ruux ayaa la xaqiijiyaya ilaa iminka inkastoo dadka deegaanku ay sheegayaan in khasaaraha uu intaasi ay kasii badan yihiin walow aan si dhab ah loo sheegin khasaaraha dagaalka.
Dagaalka aya sida la sheegay wuxuu u dheexeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo wada dega gobolka , waxaana sida la sheegay dagaalkaas uu ka dambeeyay ka gadaal markii la isku qabsaday Geedo Dhuxusha laga sameeyo.
Oday dhgaqameydyo iyo sidoo kale Xubno uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amaanka ee degmada Guriceel ayaa ku baxay halka uu dagaalku ka dhacay waxaana soconaya dadaal lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac.
Inta badan degaanada gobolada dalka gaar ahaan dhanka miyiga waxaa la isku qabsadaa dhul daaxsi meed ama geedo dhuxusha laga saaro kuwaas oo qilaaf koodu uu sababamo gacan ka hadal.
Caasimada online
Xafiiska Guriceel