Jowhar (Caasimada Online)-Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe.
Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee maamulka ayaa dhalay dib u dhacday kadib markii Madaxweynaha maamulka uu wakhtiga uga lumay dib u habeen uu ku sameynaayay Liiska Musharaxiinta.
Sheekh Cusmaan Barre oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, ayaa xaqiijiyay in maanta oo Arbaca ah ay dhici doonto doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada maamulka Hirshabeelle.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in wax waliba ay yihiin kuwa dhamaaday, waxa uuna ku celcelshay in maanta aysan dhaafi doonin doorashada.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay xildhibaanada in ay soo xaadiraan maanta xarunta ay ka dhaceyso doorashada.
Doorashada maanta ayaa waxaa u taagan ku dhawaad 20 musharax kuwaasi oo badankooda ku hari doona doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]