Maxaadan la socon oo PUNTLAND ka dhacaya maanta? (Wax badan ogow)

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe ayaa soo sheegaya in qaban qaabada doorashada ay iminka ka socoto xarunta baarlamaanka.

66-ka mudane ee baarlamaanka Puntland oo dhawaan la macaabay ayaa dooranaya guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa oo ay u taagan mas’uuliyiin hoorre iyo kuwa cusub.

Ragga ugu cad-cad waxaa ka mid ah Cabdirashiid Maxamed Xirsi,guddoomiyihii horre, Axmed Cali Xaashi iyo Saciid Xasan Shirre.

Inta badan maamulka Puntland wuxuu ku dhisan yahay qaab awood qaybsi ah, waxaana inta badan ku guuleesta guddoonka baarlamaanka gobalka Sanaag.

Waa baarlamkii afaraad oo soo Puntland tan  iyo markii la sameeyay maamulkaas sannadkii 1998-dii.

Puntland waxa ay hadda mareysaa xaalad kala guur ah oo indhaha aad loogu wada hayo, waxaana dad badan ay lee yihiin haddii doorashadda soo socota ay ku dhacdo si nabadgalyo leh iyo xalaal, Puntland waxa ay heli doontaa taageero xooggan oo xagga caalamka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com