Soomaali badan oo laga bad-baadiyay halis xooggan oo ay ku galeen….!

Lampedusa (Caasimada Online) Ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in ay badbaadiyeen dad ku dhow 1000 qof, kuwaasoo ka soo cararay waddamada ku yaalla Afrika gaar ahaan waqooyiga iyo bariga.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa la socday shan doomo kuwaasoo tagay xeebaha Talyaaniga 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Sida ay lee yihiin ciidamada ilaaliya xeebaha Talyaaniga dadka la soo badbaadiyay  ayaa ka soo jeeda waddamada Soomaaliya Tunisa, Ciraaq iyo Libya waxaana ay isugu jiraan dumar, carruur iyo rag.

Dadka la soo badbaadiyay iyo xaqiiqda jirta hadda marka loo eego wax isku dhigma ma ahan waayo xilliga waxaa qaybo badan Yurub ka taagan qabow waxaana kacsan badda oo ma ahan xilliga la soo safro, balse waxa ay muujineysa dadkaas in ay uga caddahay in ay soo aadan Yurub oo ay nolal cuusb sameeyaan.

Horrey waxaa ugu dhintay xeebaha Talyaaniga dad aad u fara badan, balse dowladda Talyaaniga waxay kordhisay ciidamada ilaaliya xeebaha Talyaaniga

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com