Odayaasha Baydhabo ku shiraya oo si kulul ugu jawaabay XASAN SHEEKH

Baydhabo (Caasimada Online) Odayaasha ku shiraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa u jawaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan sheegay in shirkaas lagu koobo maamulkiisa seddex gobal oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Malaakh Shiine oo ah afhayeenka odayaasha ku howlan maamulka u sameenta gobalka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku qaldan yahay in uu yiraahdo maamulka halagu koobo seddax gobal iyadoo dadka ku dhaqan lixda gobalka y doonayaan in ay sameetaan dowlad gobaleed.

Waxaa kaloo uu sheegay madaxweynaha uu hadda aqoonsan yahay koox xoog ku qabsatay magaalada Kismaayo balse dadka ku dhaqan halkaas aysan dooneynin.

Malaakha ayaa madaxweynaha ka codsaday in uu aqoonsado wixii ka soo baxa shirka Baydhabo ka socda oo hadda galay wajigiisa labaad.

Hadalka malaakha ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu ku baaqay in shirka ka socda Baydhabo uusan saameey ku yeelan maamulka KMG ah ee Jubba oo dowladda aqoonsatay sida uu yiri

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com