Diblomaasi yiri in Fowsiya ay lunsatay lacag oo ka hadlay wixii qabsaday

Nairobi (Caasimada Online) Cabdisataar Xasan Cali oo ka mid ah diplomaasiyiinta ka shaqeeya safaarada Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay qaab aan sharci ahayn in shaqada looga eryay, wuxuuna ku adkeesanayaa weli in uu yahay shaqaale ka tirsan safaaradda,

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay in uu aad uga xun yahay hadal ay dhawaan sheegtay sii hayaha wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji Yuusuf.

“Adeer wasiirada waxaaba aysan kala garaneynin shaqadeeda, siddii ayey ku lee dahay Cabdisataar waxaa ceyriyay safiirka soo ma oga safiirka in iyada uu hoos yimaado, teeda kale waxa ay lee dahay waa la eryay, anniga weli waxaan ka tirsanahay shaqaalaha safaarada, waxaana igu og Villa Somalia iyo madaxda dowladda” ayuu yiri .

Wuxuu kaloo sheegay in wax xuquuq ah uusan helin sannadkii horre, isagoona ku celceliyay  lacagihii mushaarka ee loogu talagalay shaqaalaha safaaradaha Soomaalida ay ku lee dahay caalamka ay lunsatay Wasiir Fowsiyo sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, maalin ka hor waxaa magaalada Muqdisho shir ku qabatay sii hayaha wasiirka arrimaha dibedda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waxaa ay beenisay warka uu sheegay Cabdisataar, iyadoo xustay in ninkaas meesha laga ceyriyay.

Cabdisataar ayaa weli ku adkeesanaya in uu xaqiiqo u hayo wasiiradda in ay lunsatay lacago badan oo loogu talalagalay safaaradaha Soomaalida, wuxuuna ka dhawaajiyay in ay guryo uga dhisatay magaalada Nairobi sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com