Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa caawa ka socota xaflad casho sharraf ah oo loo sameenaayo ergada ka qayb galeysa shirka dib u heshiisiinta shacabka Jubbooyinka oo maalintii labaad maanta galay.
Xafladan oo uu soo qaban qaabiyay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxa ay hadda ka socotaa Hotelka City Palaza oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo jooga xafladda, ayaa soo sheegaya in xafladda ay joogaan dhammaan ergadii ka qaybgaleysa shirka oo uu ku jirro Axmed Madoobe, sidoo kale waxaa xafladda ku sugan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan DFS.
Waxaa kaloo xafladda dadka maa weelinaya fannaaniin iyo kooxaha dhaqanka, waxaana xafladda ka muuqata farxad.
Waxaa lagu wadaa xafladda in ay ka hadlaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com