Maxaa sabab u ah dilalka qoyska ee kusoo batay dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhibaatada qoyska, taas oo haatan gaartay meeshii ugu xumeyd, kadib markii ay soo kordheen dilalka ay isku gaysanayaa lamaanaha.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ayaa ka kala dhacay Muqdisho iyo degmada Qoryooley, kadib markii laba nin ay si araxan darro ah u dileen xaasaskooda.

Midda Muqdisho ayaa ninka oo la sheegay inuu maseeray wuxuu guri ku yaalla degmada Dharkenley uu ku gubay xaaskiisa oo xaamilo ahayd, laguna magacaabi jiray Luul Cabdicasiis oo Jimcihii ku geeriyootay isbitaalka Digfeer ee magaaada Muqdisho, halka ninka labaad ee Qoryooley uu dilka xaaskiisa u adeegsaday mindi isaga oo jarjaray.

Haddaba Maxaa sabab u ah dilal qoysaska ee kusoo batay dalka?

Xildhibaan Cali Xaaji oo kamid mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhibaatooyinka soo kordhay ay ugu wacan yihiin isticmaalka waxyaabana maankadooriya.

“Arrimahaan qoyska waxaa sabab u ah oo aan hoosta ka xariiqayaa waa maandooriyaha inaynu dowlad ahaan iyo mujtamac ahaan aynu baraarugno oo dadkeena meel ka saarno arrintan xashiishada iyo maandooriya” ayuu wareysiga ku yiri Xildhibaan Cali Xaaji.

Cali Xaaji ayaa sheegay in mar walba qofka balwadda leh uu isbeddalo, kadibna uu dhibaato u gaysti naftiisa iyo tan dadka kale.

“Mar kasta oo ninkaas xaaska leh oo carruurta leh uu maandooriye waayo ama uu ku go’o waa marka ay xaaladdiisa is-bddeleyso dil iyo dhac wax lamid ahna uu ku dhaqaaqayo” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu yiri “Dilku waa wax dabiici ah ma’aha wax cusub ee waxaa moodaa inay wixii iska daba imaanayaan oo uu si xawli ah noogu socdo”.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray hay’adaha amniga dowladda iyo bushada, isaga oo ugu baaqay in si wadajir loola dagaalamo maandooriyaha kusii baahaya dalkeenna.

“Hay’adaha amniga waxaan ku wargelineynaa inay feejignaan dheeraad ah qaataan bulshadana ay baraarugto oo maandooriyaha lagu baraarugo” ayaa kusoo gabagabeeyay.